Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: CilmiSabca on December 21, 2012, 08:53:47 PM

Title: Faa'iidooyinka Timirta.
Post by: CilmiSabca on December 21, 2012, 08:53:47 PM
(http://somalidoc.com/Topics/timirta.png)


Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.


Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa'iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.

Akhriso Faaidada malabka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html)
Akhriso Faaidada xabatu-sowdada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html)


http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Faa'iidooyinka Timirta.
Post by: Abdihadi on February 24, 2015, 03:26:38 PM
woow mashallah jazakallah khayr dhakhaatiirta .walal.Aniga geed ka timirta aad baan u isticmaalaa subax kasta timir baan quraac kadhigtaa dhoowrkii sano udambeeya laakiin faaidooyinkaas aad kor kusheegtayna markaan akhriyay aad baan oogu farxay sidii balwad camal ayaan ula qabsaday cunista timirta markasta waana isticmaalayaa inta aan noolahay inshallah ..
hal suaal baan kuwaydiinayaa Dr.qofka timirka aad u isticmaala inta badan caafimaadkiisa wax dhib ah ma ukeeni kartaa haduu badsado isticmaalkeeda..?
Title: Re: Faa'iidooyinka Timirta.
Post by: SomaliDoc on February 25, 2015, 05:26:24 PM
Timirta wax dhib ah ay caafimaadka u keento haddii la badsado oo ay takhaatiirtu sheegtay ma jiro, sii wad cunisteeda, wixii aad ka heshay faaido caafimaadne nala wadaag.
Title: Re: Faa'iidooyinka Timirta.
Post by: Ustaad77 on June 09, 2016, 02:53:35 PM
Asc  ditoore ma leedahay timirta  mararka qaar gastric  sida lagu arko laab jeex mar mar . Mahadsanid.
Title: Re: Faa'iidooyinka Timirta.
Post by: Diyo on June 10, 2016, 09:52:31 AM
MashaAllah Jazaakallahu khairal jaza'a

Hal su'aal dictore

Infactionka dhiiga ku dhaca ma dawaysaa Timirtu?
mahadsanid.
Title: Re: Faa'iidooyinka Timirta.
Post by: Jirow on June 16, 2016, 03:33:34 PM
Walaal timirta marka an cunaya waxa aan arka ilkaha oo i xanuuna .......... Macaanka dartiis