Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xabiib on August 20, 2015, 12:00:36 AM

Title: Su'aal: Majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta kilyaha?
Post by: Xabiib on August 20, 2015, 12:00:36 AM
Waad salaamantihiin dhamaan dhaqaatiirka tacaawunka sameysay Ee isku howsha U kaalmeynta walahood dhibaateysay dhinaca caafimaadka waxaan leeyahay ilaah haidinka jaza siiyo ,
Mida kale waxaan qabaa suaal kusaabsan kilyha inbadan ayaan xanuun dareemaayi walow uusan darneyn balse sanadkiiba mar ayaan xanuun daran dareemijiray islawaqtigaasne maanan aqoonin meesha leyga haayo dhorjeer waxaa dhacday in dhaxan uu igasoodhaco dhinaca kaadida dhaqtar ayaan utagay wax uu igu shegy dhagaxaan ilaa 4 gaareyso  mid wuu iga soo dhacay sidaas ay tahay waxaan dareemaya xanuun meel dheer ah, .Hadiii aan ugudbo suaasheyda waxa ay tahay  majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta hadii ayjirtane waqti loogu tala galay bukaanka in looqoro miyaa jira ,maxaase igula talin laheydeen inaan sameeyo
waad mahadsantihiiin
Title: Re: Su'aal: Majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta kilyaha?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2015, 12:06:55 PM
Way jirtaa daawooyin dhagaxaanta burburiyo laakiin waxaa muhim ah in la ogaado dhagaxaanta cabbirkooda, meesha ay ku jiraan iyo nooca ay yihiin.
Waxaa dhici karto markii intaa la fiiriyo in lagula taliyo qalliin oo daawada laguu qori waayo.
Talada aan ku siinayo waa in aad u tagtaa dhakhtar "Urologist" ah si aad warbixin dheeraad ah uga heshid dhagaxaanta lagugu sheegay, kadibne taladiisa aad qaadatid, inta ka horraysa badso cabitaanka biyaha.
Halkaan ka akhriso talooyin sida aad u wanaajin kartid caafimaadka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html)