Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on September 17, 2015, 07:20:21 AM

Title: SU'AAL: SEACOD PURE COD LIVER OIL CAPSULES?
Post by: m.mo141 on September 17, 2015, 07:20:21 AM
WA SALAMAN TIHIIN DHAMAAAN

WAXAAN RABA IN LA I SHARAXO DAAWADAAN IYO FAAA IDA DEEDA

SEACOD PURE COD LIVER OIL CAPSULES 300 MG

100 CAPSULES
Title: Re: SU'AAL: SEACOD PURE COD LIVER OIL CAPSULES?
Post by: SomaliDoc on September 18, 2015, 12:21:40 PM
(http://lghttp.36936.nexcesscdn.net/8011F01/magento/media/catalog/product/cache/1/image/650x/040ec09b1e35df139433887a97daa66f/s/e/sea0020.jpg)

waa daawo fitamiin ah oo lagu sameeyay daka India, waxaa la sheegaa in ay ka samysan tahay beerka kaluunka loo yaqaano "cod fish" oo la aamisan yahay inuu ku badan yahay maadada "Omega3 iyo waxyaabo kale oo faa'ido leh.

Waxaa la sheegaa maadada laga sameeyay in caafimaadka wadnaha u fiican tahay, difaaca jirka sare u qaado, fitamiin yarida ay u roon tahay khaas ahaan fitamiin A iyo D.

Inkastoo daawooyinka badanaa la sheego in beerka kaluunkaas laga sameeyay aysan sax ahayn oo kaluunka inta la wada kariyo ayaa saliidiisa laga sameeyaa oo beerka kaliya ma ahan.

Taladaydu waa in aad cuntaa kaluunkaa haddii aad heli kartid oo daawada laga soo sameeyay iska daysaa maadaama aanan hubin in pure ay tahay ama beerka kaliya laga soo sameeyay.

Waxyaabo badan oo ku qoran daawada dusheeda sida ay tahay looma qaadan karo khaas ahaan haddii ay tahay wax "suplement" ah oo aanan cudur lagu daawaynin si cilmiyeysan looma baaro.