Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibrahim on February 05, 2009, 03:15:31 PM

Title: Sanboorka
Post by: Ibrahim on February 05, 2009, 03:15:31 PM
marka hore waa salaamaya dhakaatiirta tan 2aad waxaan rabaa in aan wax ka ogaado cudurka sanboorka iyo sida loo daweeyo waa mahadasntihiin
Title: Re: Sanboorka
Post by: SomaliDoc on February 11, 2009, 10:58:46 PM
Sanboorka calaamadihiisa waxaa ka mid ah

- Diif badan oo aan caadi aheen
- Indhaha oo ku cuncuna
- Cabur fara badan.
Waxaan oo dhan inta badan waxay yimaadaan xiliyo gaar ah ama haddii qofku uu la kulmo waxa uu jirkiisa diidayo.
Sanboorku caafimaad ahaan macnihiisa waxaa weeye jirkaaga ayaa la kulmay wax uusan dooneen.
Maadaama inta badan sanka laga neefsado, jirka waxuu kala kulmaa waxyaabo badan oo uusan jirka dooneen sanka. marka diifka iyo waxyaabaha la midka ah waxaa keenaya jirka oo la dagaala maya waxii uusan jirka rabin.
 
Sidee lagu daaweeyaa?
inta badan sadex nooc bay daawo ka imaan kartaa.

- Adiga oo ka taga meeshii uu jirka waxa uusan rabin laga heliyey
- Adoo jirka u sheega in uusan si halis ah u dagaalamin
- Adiga oo jirka taba bara oo u diga in uu imaan doono wax jirka uusan jecleen.
 
Maxaan ula jeedaa arrimahan?

haddii aadan sanboor lahaan jirin oo aad magaalo cusub u guurtid oo aad isku aragtid sanboor badan, macnaheedu waxaa laga yaabaa in ay tahay wax ka baxa magaaladaan ayaa jirkaagu jecleesan. haddii aad ka guurtid magaaladaas waxaa laga yaabaa in sanboorkaagu iska tago.
Daawada dadka badankood ay qaataan waxa ay u suuro gelinaysaa jirka in uusan si halis ah ula dagaalamin waxa uusan jecleen sida busta oo kale. marka daawooyinka aad aragtay ee farmishiyaha laga soo iibsado sidaan bay u shaqeeyaan
dadka qaar baa cirbado lagu duraa oo ah cirdabo u suura galinayo jirka in jirka la taba baro oo loo sheego in haddii ay la kulmaan waxa jirka uusan jecleen sida busta, in uusan la dagaalamin.
Waxaan kugula talin lahaa haddii aad sanboor xun qabtid in aad aragtid dhakhtar si ay ugu horeen u ogaadaan in waxa uu sanboor yahay, waxa keenay iyo sida ugu fiican ee loo daaween karo. mahadsanid.

Sanboorka ma keeno neef ama cudur kale. inta badan wax uu u dhimayo jirka ma jirto. dhibaatadiisu waxa ay tahay oo kali ah in uu qofkaa aad u dhibaateeyo. Sida aad sheegtay waa run in sanboorka iyo cuduro kale ay mar mar isla socdaan. sida neefta oo kale. Laakiin taas macnaheedu ma aha in sanboorku keenay neefta. waxaa jirta in dadka neefta qaba intooda badan ay qabaan sanboor. sababta oo ah in waxa keena neefta iyo waxa keena sanboorka qaarkii (ma aha kuligee) way xiriiraan.

Mida kale qofka qaba neefta haddii ay la kulmaan wax ay sanboor ka qaadaan, waxay dhibaateynaysaa neeftoodii. Laakiin ma aha in sanboorku keenay neefta. Mida kale, sidii aan horey kuugu sheegay, sanboorku kuligii isku nooc ma ahaa, qaar waxaa jira la socda cuduro kale. Midka dadka badankood qaabaan oo ah diifka badan iyo cuncunka badan ee indhaha, inta badan wax saas ah uma geysto caafimaadka intiisa kale.

Dr. Ibrahim.
sai@po.cwru.edu
Title: Re: Sanboorka
Post by: Hashi1 on February 11, 2013, 01:12:41 PM
JazaaklaAllah kheyr Dr.
Title: Re: Sanboorka
Post by: Hashi1 on February 11, 2013, 02:23:39 PM
what is the English medical word used for " Sanboor" ?
Title: Re: Sanboorka
Post by: Ahmed_07 on March 02, 2013, 08:14:29 PM
Rhinitis i think