Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdiqani_ysf on March 17, 2015, 05:15:41 PM

Title: Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?
Post by: Cabdiqani_ysf on March 17, 2015, 05:15:41 PM
Asc marka hore waxaan salaamaya dhamaan dhakhaatiirta meelkasta oo ay joogaan walaalayaal su'aashaydu waa ma dhici kartaa in laga bogsoodo ama laga dawoobo xanuunka Hepatitis B ama cagaarshow waxaa dhacda in dadka qaar yidhaahdaan waxaan samaynay caloosha ayaanu is dhaqaajinay ama caano geel baanu cabnay kadibna markii dib loo baadhay uu noqday negative .
su'aashaydu waa intaa aad iyo aad baanan u salaamaya dhakhaatiirta 8)
Title: Re: Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?
Post by: SomaliDoc on March 21, 2015, 02:37:34 PM
Cudur kasta ilaahey ayaa keeno isagaana qaadi karo, aqoonta takhaatiirtane way xadidan tahay.

Xanuunka hepatitis B (cCagaarshowga ama Jooniska) waxaa lagu tiriyaa xanuunada jirka aanan ka bixin oo laga bogsan karin, way dhici kartaa in qofka markuu ku kaco laga daaweeyo laakiin taas macnaheedu maahan in laga bogsaday.

Xanuunak waxaa keeno jeermis feyras ah, markuu jirka galo, wuxuu ku reebaa astaamo lagu garto in dhiiga uu ku jiro, laakiin qasab maahan in beerka uu dhaawac gaarsiiyo ama jirka uu ku dhex tarmo.

Qofka markuu xanuunka ku kacsan yahay wuxuu leeyahay astaamo sida indhaha oo casaado, caloosha oo dibirto, tabardarri, caajis, cunno xumo iyo matag.

Markii qofka sidaa isbitaal ku tago, waxaa la siiyaa daawooyin xakameeyo tarmidda feyraska iyo daawooyinka beerka caawiyo iyo kuwo kale oo kaalmaati ah.

Ka dib qofka xaaladaas wuu ka bixi karaa, oo noloshiisa caadiga ayuu wadan karaa, laakiin taasi macnaheeda maahan in xanuunkii jirka uu ka wada baxay.

jeermiskii xanuunka keenay weli jirka wuu ku jiraa, mar kalane wuu soo kici karaa.

Baaritaanada lagu sameeyo xanuunkaan way kala noocyo duwan yihiin, waxayna ku xiran tahay xaalada bukaanka ama qofka rabo in baaritaanka loo sameeyo.

Qof caafimaad qabo oo rabo inuu is baaro in xanuunkaan oo qabo, waxaa loo sameeyaa baaritaan gooni ah oo lagu ogaanayo in xanuunkaan uu dhiigga ku jiro inkastoo uusan dhibaato ku haynin.

Laakiin markuu qofka xanuunsan yahay, waxaa lagu sameeyaa baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo heerka uu marayo iyo inuu xanuunak active yahay oo kale, markii alga daaweeyane qofka calaamadaha uu ku yimid, baaritaankii daawada loogu bilaabay negative ayuu noqdaa.
Tan ayaa keeni karto in qofka uu jahwareero oo uu yiraahdo, xanuunka negative ayaa la yiri oo wuu iga baxay.
Waxaan filayaa in aad arintaa fahantay.

Midda ku saabsan cabidda caanaha iyo kaadida geela si loo daaweeyo cagaarshowga waa caado dhaqa ka jiro wadamo badan, laakiin ma jiro cilmibaaris lagu ogaaday in looga bogsado xanuunkaan.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurka Cagaarshowga B: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html)
Title: Re: Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?
Post by: Cabdiqani_ysf on March 22, 2015, 01:40:31 PM
Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay diktoor ilaahay khayr ha ku siiyo duco wax ka fiican majirto
waan gartay inaanu jidhka viruska hepatitisku aanu ka bixi Karin laakiin
ma laga yaaba adigoo inta hepatitis lagaa baadhay lagu yidhi negative baad tahay oo hadana uu kugu qarsoonaa?
waa run ilaahay baa xanuunka qaada isagaana keena sida uu nabigeenu yidhi : xanuun kasta oo ilaahay keeno dawadiisana wuu soo dajiyaa virusku dawo wuu yeelan karaa lakiin bani aadamka ayaan wali  cilmigaa gaadhin ilaahay wadankeena iyo umadeena somaaliyeed ha is ogalaysiiyo insh allah
Title: Re: Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 01:27:58 PM
Way dhici kartaa in uu jirkaaga ku qarsoonaado iyadoo negative ku yiri, inkastoo sida aan kuu sheegay baaritaanka lagugu sameeyay noociisa ay ku xiran tahay, qaar ayaa negative sheegayo qaarne hadduu qarsan yahay way sheegi karaan weli.