Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jama111 on March 25, 2017, 12:00:04 AM

Title: Su'aal: Weelka Caagga ee (Take awayga Loo yaqaano)?
Post by: Jama111 on March 25, 2017, 12:00:04 AM
Asc Waan idiin salaamay dhamaantiin Ugu Horeyn Digtoorka Abdullahi Mahdi
iyo Dhakkaatiirta Kale Dhamaan
Waxaan Ini waydiinaya weelkan waraaqda Ka samaysan Ee ama Caaga (Take awayga Loo Yaqaano  Baan Wax Ku Cunaa Waxa Layiri Kansar Ba Laga Qaadaa Badana Marka Cuntada Kulul Lagu Rido  Maxaa Ka Jirkaa warkaa Mida Kale Saameyn Intee Le'eg Buu Ku Yeeshaa Caafimaadka Dadka Bacda Cuntada Lagu Rida Iyadana Ma La midbaa  Mahadsanidn su Aasha Kale Aan Ini waydiinayo Waxey Tahey paapta Ama Soorta Wadanka Aan Ku Noolahay Aad Baa Looga Cunaa horta Caafimaadka Way U Fiican Tahey Lkn Ilowshiyo Iyo Hilmaan Bay Ka Cawdaan Ama Sheegtaan Dadka Aadka U Cuna anaaba Arkay Markay Soo Cuneen Waa ilaawayaan Waxaad Shaley Ku Tiri Mise Dawo Kale Baa Lagu daraa Talow  Mise Khamri Bay Noqotay cuntadaasi
Hurdo Badana Waa laga Helaa Dr iiga Soo Jawaab Mahadsinidin 
Title: Re: Su'aal: Weelka Caagga ee (Take awayga Loo yaqaano)?
Post by: SomaliDoc on July 02, 2017, 10:42:23 AM
Waa arrin jirta, dhakhaatiirta qaarne way ka digaan in haddii lagu shubo cunno kulul weelal bac, baakad ama caag ka samaysan in kuleelkaas uu cunnada ku mili karo waxyaabaha qaar ee sunta noqon karo oo weelashaas laga sameeyay, waxayaabaha badanaa la sheego, aadne looga welwelo waa laba kiimiko oo weelashaas laga sameeyay sida: "melamine resin" iyo  "BPA ama phthalates". waxay cilmibaaryaashu sheegaan in kiimikadaas ay dhib keento ay u baahan tahay in qofka wax badan jirkiisa galaan, marka sidaas darteed hadduu qofka ka maarmi karo inuu ka fogaado ayaa habboon.

Su'aasha labaad ee ku saabsan soorta, iyada laf ahaanteeda dhib ma keento laakiin qaabka loo diyaariyay ama wax lagu daray ayaa sabab u noqon kara hilmaanka aad tilmaantay. Pap waxaa laga sameeyaa boorashka gallayda, waxayna caan ka tahay dalalka dhaca koonfurta Afrika.