Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saiid6666 on July 29, 2009, 08:53:10 PM

Title: Su'aal: Sokorowga iyo dheef shiidka?
Post by: Saiid6666 on July 29, 2009, 08:53:10 PM
waxaan ahay 36jir waxaanqabaa sokoroow waxaana qaataa kaniini waxaan dareemaa in aan caadi aheen maalmahaan dhanka caloosha waxaan dareemaa in dheefshiidkaygu si wacan uusan u shaqaynayn waxan
dareemayaa calool xanuun in nabar iiga yaalo ookale abitatena ma lihi musqusha ma aado ma laga yaabaa inaan kaniiniga ka waynaaday maxaad igula talinaysan ?
Title: Re: sokorowga iyo dheef shiidka
Post by: Dr.Sharbele on August 01, 2009, 01:53:55 PM
Cudurka sonkorowga inta badan wuxu saameeyaa habdhisyada jirka intiisa badan, sida Shuban, calool fadhi, kaadi badan, harraad, gaajo fara badan iwm, malahan khatar sidaasi hadii ay daawadu kuu socoto, balse waxa wanaagsan inaa dhakhtarkaaga la tashatid si uu Gram-ka kiniiniga iyo nooca daawada wax uga bedelo.

dhakhtarka si degdega ula xiriir hadaad isku aragtid, Madaxwareer iyo dhidid wejiga ah, carabka iyo hadalka oo cuslaada, gargariir gacmaha iwm.