Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saiid6666 on October 17, 2009, 04:26:37 PM

Title: Su'aal: Difaaca jirka (immune system)?
Post by: Saiid6666 on October 17, 2009, 04:26:37 PM
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
salan ka dib:
waa maxay cudurkan difaacida jirka oo yaraata maxaa lagu gartaa maxaase lagu daweeyaa maxaa keena maxaase caawiya
full report iga soo siiya
jazaakumulaah qayran
Title: Re: difaaca jirka (immune system)
Post by: Dr.Adnan on October 17, 2009, 10:45:16 PM
Difaaca jidhka (immunity) waa habka jidhku iskaga caabiyo walxaha dhib gaadhsiin kara ha ahaadeen kuwa ka yimid xaga dibada (bacteria) amase ku dhashay jidhka dhexdiisa (Cancer).
Difaaca jidhku wuxuu ka koobanyahay waxyaabo farabadan sida unugyo (White blood cells) iyo waliba molokiyuulo caawiya unugyadaas (cytokines).

waa maxay cudurkan difaacida jirka oo yaraata (autoimmune diseases)
Cuduradani waa qaar ka dhasha difaacii dabiiciga ahaa oo heerkiisii iska dhima taas oo walxihii dhaawaca keeni lahaa u sahlaya in ay dhaawac u gaystaan unugyada jidhka.
cuduradaas waxa ka mid ah AIDS-ka oo uu keeno viruska HIV- viruska HIV ayaa isagu hoos u dhiga difaaca jidhka kaas oo sabab in jidhku iska caabi kari waayo cuduro kale sida TB "Tuberculosis" oo iyada qofka caafimaadkiisu taam yahay uu badiyaa iska celiyo laakiin qofka qaba HIV difaaciisa oo hooseeya aawadeed badiyaa laga helo-. sidoo kale difaaca jidhka oo hooseeya waxa uu keenayaa infekshanada (infections) oo farabata sida kuwa marinka hawada (Respiratory infections) gaar ahaan caruurta yar yar.
a maxaa lagu gartaa
Hadii qofku yahay ilmo yar waxa aad ku garan kartaa infekshanada (infections) ku dhaca marinka neefsashada iyo afka, kuwaas oo had iyo jeer ilmuhu ka bogsan waayo.  Hadii aad joogto meel cusbitaal ah waxa la baadha hawsha unugyada iyo molokuyuulada ku hawlan difaaca hadii ay hooseeyaana waxa ay astaan u tahay difaaca jidhka oo hoos u dhacay.
maxaa daweeya daweeyaa maxaase caawiya

cudurdan qaarkood waxa ay leeyihiin dawo, qaarkoodna waxa keenta nafaqo daro, qaar kale waa qaar hidde lagu kale dhaxlo, qaabka ugu wanaagsanina waa in hadba loo mareeyo sidii xal u ah oo dhakhtarku ogyahay. (waan jeclaa inaan sharaxo laakiin waqti dheer bay qaadanaysaa )