Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iraado Macalin on January 09, 2017, 11:49:41 AM

Title: Su'aal: Xanuunka dhabarka qaybtiisa danbe?
Post by: Iraado Macalin on January 09, 2017, 11:49:41 AM
asc Doc: wiil aan dhalay oo19 jir ah ayaa waxuu in mudo ah ka sheegan xnuun dhabarka ah oo waxaa moooda in lafaha dhabar ay meelo ka baanaan yihiin, xiligii uu dhashay ayaa waxaa laga gubey cudurka Gasarka waxaa ku yaala 125 xabo oo dab ah madaxiisa iyo dhabarkiisa ilaa xabadka marka ma laga yaabaa in dabku uu waxyeelo u geystey ama cudurkii uu soo noqdey  waxaan u geynay dhaqtar Masri ah oo xamar jooga wuxuu u soo qorey kaniiniyaal wuu qaatey xoogaa wu ku roonaadey lkn isla markiibaba xanuunkii wuu soo noqdey joodariga iyo sariirtaba waan ka bedelay oo kuwo adag baan u dhigaey welina isbedel ma leh.

hadab ma ii sheegi kartaa cildan iyo sidaan ula tacaali lahaa, weliba hadaa garaneyso dhaqtar ku taqasusay lafaha oo mugdisho jooga oon u geeyo.
mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xanuunka dhabarka qaybtiisa danbe?
Post by: SomaliDoc on April 14, 2017, 07:46:15 PM
Waxay u badan tahay cillad suxuunta dhabarka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0)