Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Guuleed_11 on June 19, 2008, 09:09:08 AM

Title: Su'aal: Waraabow iyo AIDS
Post by: Guuleed_11 on June 19, 2008, 09:09:08 AM
Maxay xirrir ah oo ay leeyihiin cudurka soomaalidu u taqaan waraabowga iyo HIV aIds-ku?
Title: Re: Su'aal: Waraabow iyo AIDS
Post by: SomaliDoc on June 24, 2008, 05:49:59 PM
Cudurka waraabowga ama isfiilitada sida dadka qaar u yaqaanaan waa cudur ka mid ah cudurrada lagu kala qaado galmada (STDs).

Xiriirka ka dhaxeeyo cudurkan iyo AIDS-ka waa in ay ka mid yihiin cudurrada lagu kala qaado galmada, waxaa intaa dheer in cudurka waraabowga ay dhib noqon karto in si sahlan looga helo loogana baaro qofka qaba cudurka AIDs-ka khaas ahaan hadii waraabowga uu yahay midka maskaxda galo oo neerfaha wax gaarsiiyo (neurosyphilis).

Warbixin intaa dheer oo ku saabsan cudurrada galmada la isku qaadsiiyo halkaan ka akhriso. http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0)

Qoraal looga hadlayo cudurka waraabowga dhawaan ayaan ku soo dari doonnaa webka ee la socod wanaagsan.

SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: Waraabow iyo AIDS
Post by: SomaliDoc on July 15, 2008, 11:34:25 AM
Waa kan qoraalkii aan kaa ballan qaadnay ee ka faaideysi wacan
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html)

SomaliDoc