Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahnuunyar on July 01, 2014, 12:55:30 PM
-
asc dhamaan dhaqatiirta sharafta leh, Bilkasto ramadan waxan ku rafada ''DACWASHIIR'' kaso ii keno raxo la'aan malinta oo dhan ila laga garo xilaga afurka. Hadaba dhaqatireey maxa sababo dhibatadaan? sidesa loga hortaga ama loga gashanta
Dhamaantin waad mahadsantihiin
-
(http://somalidoc.com/Topics/afur.png)
Dacwashiirka iyo dibbirada waa dhibaatooyinka ugu badan ee laga sheegto bisha ramadaan, haddii aan soomaali dhahayne aad ayay noogu badan tahay dhibaatadaan.
Haddii aad dacwashiir ama dibbiro aad leedahay afurka ka dib, waxaa kaga hortagi kartaa adigoo raaca talooyinkaan.
Haddii aad isku ogtahay Gaas oo daawo aad ka qaadan jirtay, raac tillaabooyinka ku qoran qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
Haddii aad leedahay dheefshiid xumo ama aad isku ogtahay xanuun caloosha ama mindhicirrada, qoraalkaan ayaa laguugu talagalay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html)
Haddii aad intaasba aadan lahayn oo dhibkaaga uun bisha ramadaan kaliya uu yahay, iska sax khaladaadkaan oo raac talooyinkaa:
- Salaadda ka hor, ku afbillaabo biyo caadi ah iyo timir kaliya.
- Salaadda ka dib, haddii aad oon dareemayso, u dib dhigo cabitaanka cunnada ka dib, sababtoo ah haddii aad biyo cabtid cunnada ka hor, dheefshiidka ayaa kaa xumaanayo, waadna ku laabjeexaysaa.
- Iska ilaali in aad biyaha iyo cunnada isla isticmaashid ama biyaha aad ku kabato cunnada.
- Haddii aad shaah ama qaxwo aad cabtid, wxaad ka dhiganaysaa cuntada ka dib maadaama ay dheefshiidka caawiyaan, laakiin cunnada ka hor, calool xanuun ayay keeni karaan.
- Iska ilaali in aad cuntid cunnada saliidda lagu shiilay sida baradhada, suugada, bur saliidka iyo waxyaabaha subagga ama baruurta leh, maxaa yeelay intaasba uma fiicno calool faaruq ahayd saacado badan.
- Cagaarka aan la karin iyadane sidoo kale waxay keenaan dibbiro ee ka fogow.
- Afurka ka dib ha jiifsanin, haddii aad socsocon kartid ama jimicsi fudud samayn kartid caafimaadka ayaa ku jiro ee ku dadaal, hana ka mid noqon dadka iyagoo afurayo ama afurka ka dib Tv-ga hor fadhiisto, taasina waa dhibaato wayn oo aan lagu baraarugsanayn.
- Ku dadaal cunnada aad cunayso in aad safiican u calaanjiso si caloosha shiiditaankeeda ugu fududaato oo aad uga fogaato daacoshiirka, dadka qaar ayaa si boobsiis ah cunnada u cuno iyagoo safiican u ruugin.
- Haddii aad cunaysid fruits, ugu dambaysii liiska cuntadaada.
- Haddii aad tahay dadka aanan suxuur cunin, ku dadaal in aad saxuurato ama xitaa wax yar aad cunto taasi waxay ka caawinaysaa caloosha in ay sii shaqayso ama dheecaannada dheefshiidkeeda isku dheelli tirnaadaan.
- Haddii aad thay dadka afuro, kadibne casheeyo, haddane saxuurto, iska ilaali dharagta siyaadada ah, caafimaadka uma fiicno, isku dheellitir cuntada aad cunayso, una dhaxaysii waqtiyo macquul ah.
Waxaan idiin rajaynayaa Soon caafimaad leh, haddii aad talo haysid hoos kula wadaag asxaabta, Mahadsanid.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
Doctor marka hore aad ayaad u mahadsan tahay
Marka xigta qodobadan sidee isu wafajiyaa
Halkan waxaa ku jira laba qodob oo ah
(1)hadaad shaah ama qaxwo cabaysid ka dhigo cuntada ka dib madaama ay dheef dhiidka cawinayaan
(2) hadii ad cunaysid fruits ugu danbeysii liiska cuntada
Balse horey waxaan u akhristay lix waxyaabood oo aan cuntada ka dib caafimadka khatar ku ah oo ay ka mid ahaayen
(1)Cuntada ka dib ha cabin shaah
(2)Cuntada ka dib ha cunin fruits sida tufaxa
Afarta qodob oo kale ma khuseyan labada qodob oo hore lkin waxay ahaayeen
Cuntada ka dib ha seexan aminkaba
Cuntada kadib ha qubeysan ila mudo saacad ah
Cuntada ka dib ha cabin sigaar
Cuntada ka dib jimicsi ha samayn
Markaa doctor iga shaki saar sida qodobada hore isu qabanayaan
Aadbad u mahad san tahay
-
Waa su'aal fiican, labada talo waxay ku kala xiran tahay xaalada qofka, talada 1-aad waxay ku socotay talooyinka dadka soomaan, maadaama sida caadiga ah cunnada badankeed habeenkii la cuno, weliba ay dhici karto cunno caloosha ku culus sida hilib iyo waxii la mid ah qofka wuxuu u baahanaa in shaah ama qaxwo u dambaysiyo si dheefshiidka u caawiyaan, mana haboona calool maanta dhan soomanayd iyo qaxwo ama shaah lagu bilaabo, qudaartane sidoo kale hadiiba aad cunaysid cunnada ka dambaysi, maxaa yeelay haddii aad ku hormartid, dharag ayaad dareemaysaa, cunanda kale ma cuni kartid, sidaasne gaajo inay ku qabato maalintii ayaa suurowdo.
Talada labaad waa dadka aanan soomanayn oo looga cabsanayo dheefshiid xumada iyo dibbirada ama gaaska, waana qof aanan soomanayn oo quraac, qado iyo casho heli karo.
Waxaan filayaa in aad fahantay, waadna ku mahadsan tahay su'aashaada, maxaayeelay waa lagu wareeri karaa haddii aan sidaan loo waadixin, mahadsanid.
-
Adaa mudan in badan dr
Adbaan kaaga mahad celiya sida wanaagsan aad igusoo jawaab celisay ama aad ii fahansiisay
Waa bil ramaadane ilahaay khayr aduun iyo mid aakhiraba haku siiyo
Wacyi galin waanagsan ayaanu kahelnaa had iyo jeer forum kan
Ilaahay haydiin fududeeyo shaqadaad umadiina u haysaan