Somali Medical Forums

Administration Panel => Announcements => Topic started by: Admin on November 18, 2007, 06:18:02 AM

Title: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Admin on November 18, 2007, 06:18:02 AM
Waxaan jecelnahay bilawga sanadkan cusub inaan ku soo kordhino webka qeyb cusub oo loogu tala galay inay ka faaideystaan xubnaheena sharafta leh.

Qeybtaan waxaad ka heli kartaa barnaamijyo loogu tala galay inay kugu kaalmeeyaan waxbarashadaada ama shaqadaada, oo qeyb walba iskugu jira, ha ahaato arday, dhakhaatiir, sheybaariistayaal, farmashiyistayaal iyo kalkaaliyaalba.

Barnaamijyadaan oo aad idinka sidii aad jeceshihiin u soo dalban kartaan, wixii ra'yi aad ka qabtaane aad halkaan ku soo gudbin kartaan.

Barnaamijyadaan oo aan anaga programmin doonno, waxaa ka dajisa kari doontaa webkaan lacag la'aan, ee fadlan hadii uu jiro barnaamij maskaxda aad ku heyso, bulshadane wax u tari karo, caafimaadne ku lug leh noo soo gudbi.

Ra'yigiina aad ayuu muhiim u yahay.

FG: Martida na soo booqata xubano aanan ka aheen webka waxa ay fikradahooda ku soo gudbin karaa emailkan (admin@somalidoc.com).

Dr.Mahdi
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Abdullahi! on November 18, 2007, 11:31:24 PM
Sorry for my lengthy absence from the forum, i was very busy preparing for exams. I am happy to see the increase in the number of members and the development of the website, thanks to the admin team. Hopefully i can be more active nowadays and contribute more to SomaliDoc Forums.

It's a good idea, and I welcome it.
it would however be better if you informed us more about these programs.
what kind of programs are they?
what exactly do they do?
do we have any programmers on SD forums that can code these programs or do we provide links for existing programs?

If it is as I think then i would suggest that the diagnosis program on SD interests page be made available as a downloadable file. I would also like you to give us an example of any programs, and what should their main aim be?

Dr Abdullahi
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Dr.Noora on November 19, 2007, 12:45:01 AM
Salaam

waa fikrad fiican Admin waana ku mahadsantahay dadaalka aa wadid laakiin sida uu xusay Dr Abdullah yaareet hadaa noo sheegi laheed programs yaasha ama tusaale ka bixin laheed adoo mahadsan..

Salaam
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Kassim on November 19, 2007, 04:07:30 PM
Salaam, first to Dr Mahdi, and then to all Somalis
Waxaan  aad  ugu fraxsanahay  fikrada uu soo jeydiyey walaakeena .
As Sis Noora and Bro Abdullahi, give us an idea, clue, hint.  waxaan diyaar u ahay in aan ka qaato kaalin.
salaam
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Admin on November 19, 2007, 10:56:26 PM
Waa ku mahadsantihiin ra'yiga aad ka dhiibateen mawduucaan.
walaalkeen kassim-ne wuu ku mahadsanyahay rabitaanka uu rabo inuu nagala qeyb qaato.

kowda hore barnaamijyada weli sameentooda lama bilaabin, waxa kaliya oo hada loo baahanyahay waa in la ogaado ra'yiga aad ka qabtaan iyo wixii aad nagu soo biirin kartaan, ilaa hadane dhowr barnaamij ayaa miiska noo saaran aana is leenahay waxtar way u leeyihiin xubnaheena sharafta leh iyo bulshadeenaba, waxaan u kala qeybinay barnaamijyadaas qeybaha bahda caafimaadka ku jirta inta ay kala yihiin:

1- Ardeyda Caafimaadka Barata:


2-Dhakhaatiirta:


3- Farmashiilayaal:


4- Maareeyaha isbitaalka:


4- Sheybaariistaha:


5- Bukaanka:


Barnaamijyadaan waa inta aan hada soo aruurinay hadii ay jiraan barnaamijyo kale oo aad jeceshahay in lagu daro ama fikrad aad ka qabto mid kamid ah kuwaan kor aan ku soo sheegay, fadlan ra'yigaaga ka dhiibo.

Dr.Mahdi
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Abdicade on November 20, 2007, 06:15:41 PM
 

 i may thank first dr. mahdi and all other members for their contrubution of this site  i hope this site will be more useful for the future generation .

it is really very good idea and i welcom it .........and may allah help you for anytime .
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Ebyan on November 25, 2007, 07:43:17 PM
Salaam qaali ah To aaall of you. hadii aan ra,yigaga ka dhiibto Qaybta cusub, aad ayaan u soo dhaweeynayaa waayo waxaan u arkaa faa,iido noo soo korortay. thanx.

by Ebyan
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Moha on November 26, 2007, 11:10:41 PM
salaamu calaykum dhamaantiin...  i m thrilled to see fellow Somali professionals  trying to build something immensely beneficial... and i hope everyone of us contributes.. as much as possible...  Admin,Dr Mahdi. keep up the good work buddy..  eeen waxaan ka dhihi lahaay... qaybta ah patient data system xoogaa waxaad moodaa inay dr somalida ah siinan wax ahmiyad ah oo even most of them aysan ka qaadin wax history ah leave alone inay data ka xafidan... so its good to advocate for that lakin most doctors are reluctant to share the data of their patients on grounds of ethics,so lets omit that part.. the first time i read this i wanted to add a topic like... the importance of knowing ur blood group//... i have seen so many somalis  who never came to know their blood group... esp waxa iga sii naxshay ayaa waxay tahay ..some of them had gone through NATURAL DELIVERY OF SEVERAL KIDS!!!... practically we cannot test them here laakin in la wacyi geliyo  inay sameeyaan.. baaritaan.. and then the vaccination program as u mentioned, waxaan dhihi lahaa qayb wacyi gelin iyadana ha lagu daro bcz waalid badan ayaa ogayn muhiimadda uu lee yahay talaalka, even the people who come and visit this website will increase... as people might pass on the info we put here... qayb nutrition ah iyada waa muhiim.. as most somalis dont eat balanced diet...
and for the medical drugs... maadama wadama iyo shirkadahaba ay iscticmaalan different criteria for the naming process,u can put in the chemical names only,to make it easier ,like putting paracetamol rather than Panadol.....
wada jir bay gacmo wax ku qabsan karaaanee...!!
and believe me i can see that one day many of us here might go on and form the FELLOWSHIP OF SOMALI SURGEONS AND PHYSICIANS!!! Just like the famous FRCS and FRCP!!
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Waxbaro! on November 27, 2007, 02:52:36 AM
Horta waa fikrad fiican, waana barnaamijyo faaido leh, umadana wax u taraya, lakin mida ku aadan barnaamijka "patient data system" oo uu walaalkeen "moha" ku sheegay in wax tar saasi aysan u laheen dhakhaatirta somaliyeed kuma raacsani maxaa yeelay, qaar isticmaali doona una baahan way jiraan mida xigta aniga waxaan ka shaqeeyaa isbitaal ku yaala somaliya, isbitaalada ay maal galiyaan hay'adaha sida Un-ka, MSF-ta iyo kuwa lamidka ahi, barnaamijyadaan oo kale ayey isticmaalaan bil kastane waxa ay ka diyaarsadaan Statistics ay ku kontroolaan shaqadooda iyo dabagalka iyo ka hortaga cudurada.

Mida xigta oo ah dhinaca "Ethics-ka", informationka noocaan wax dhib ah ay u keeni karaan bukaanka ma jiraan maxaa yeelay aduunka meel walba oo xarun caafimaad ah bukaanka magaciisa, da'diisa, jinsigiisa, dagaanka, cudurka uu qbo, baaritaanada lo diray, iyo daaweynta waa la liis gareeyaa.

Barnaamijkaan waxa dhakhaatiirta somaliyeed ay ka faaidi karaan hadii aan soo koobo: Horta in bukaanka ay la socdaan xaaladiisa, maadaama laga yaabo maalintii dhakhaatiirta qaarkood inay qaabilaan bukaano badan oo kor u dhaafay 50, mida kale in haduu qofku u baahdo inuu research diyaariyo, data-daan wuu ka faaidi karaa.

Mida kale cudurada percentage-ka ay yihiin sida ay ugu kala badanyihiin dadka, xiliyada ay bataan, iyo informationo noocaas oo kale aad ayey aniga muhiim iila tahay ma aqaano idinka fikrada aad ka qabtaan, mida kale hadii barnaamijyada aan anaga program-saneyno sida walaalkeen dr.mahdi uu sheegay waxay ila tahay in sidaan rabno ka dhigan karno.

Waxaan kaloo ka codsanayaa "Dr.Mahdi", haduu barnaamijka sida aan u sharxay uusan aheen inuu faahfaahin dheeraad ka bixiyo iyo hadii wax siyaado ah uu isaga arko oo laga faaidayo inuu noo sheego.

Waxbaro!
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Moha on November 29, 2007, 11:27:30 PM
mahadsanid Waxbaro.. laakin sida aad sheegtayba... i didnt mean inaan yareyo ahmiyadda ay lee dahay patient data system lakin my point was ... haddi website forum la gelinayo it means waa public, which can somehow be misused.. in webka la soo geliyo ahaan ayaan ka wadaa uun ma ahinee... being almost a doctor now,i can imagine the importance of both!!
all da best
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Admin on November 30, 2007, 02:00:56 AM
Hadaan sii faahfahiyo barnamijyada sida ay dadka qaar u moodeen maahan oo in webka laga dhax isticmaalayo oo qof walba uu akhrisan karo, barnaamijyadaan waa mid adiga kaligaa kuu khaas ah oo ka dajisanayso webka, midka ah patient data system waxa uu u dhawyahay sida uu u sharxay walaalkeen "waxbaro", waa barnaamij bukaankaaga wixii ku saabsan aad ku keedsanayso qof aan adiga aheene ma akhrisanayo waa personal, public maahan.

Mahdsanid
Dr.Mahdi
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Dr.Adnan on December 05, 2007, 11:59:58 PM
Aslaamu calaykum.
Its a good Idea Dr.mahad , but I also suggest a place for freshman students to discuss basic medical sciences like Anatomy, Biochemistry, Histology, physiology,pathology.........................Because they are new to the feild and they need a huge help and as you know medicine is somehow difficult, so we put for them, lecture notes, books quizzes etc. and I think there is no difference in those sciences between countries,  So I think they will be very useful.
Thank you
 
(http://4medsystems.com/SCWebTemplate/images/BlackDoctor.jpg)
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Admin on December 06, 2007, 01:05:02 AM
Dr.Adnan!
what we are talking here is a downloadable programs & we already have a board for fresh students and basic medical students as well.
For more information reagarding quizzes, books, audios, videos and even mneomonics check other SD pages like Libray, Initerests & PPT Slides.

Regards
Dr.Mahdi
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Kalkaaliye_Bsc on December 07, 2007, 01:04:13 AM
Salaamucalaykum kulligiin

Qaybta rarashada barnaamijyadu waa qayb loo baahanyahay oo faaiido uleh ardayda.insha allah waan kawada qaybqaadan doonnaa.
Ra'yi ahaan waxay ilatahay:

-In Barnaamijyadu kukoobnaadaan caafimaadka iyo kuwo waxbarashada taageera.
-In la'ogaado Xajmiga barnaamijyada iyo mugga webkan uu qaadi karo iyo baahida ah in lahelo meelo dhexe oo linkiga un halkan ladhigo.
-In qaybta baraamijtu ay luuqad aysan ajinabigu fahmi karin lagu dhex isticmaalo, waa hadii baraamijtaas yihiin kuwo sharci ahaan isticmaalkoodu xadidanyahay.
-In qaybtaas ay geli karaan xubnaha oo kaliya.

Salaam.
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Admin on December 07, 2007, 12:01:35 PM
Waa ku mahadsantahay ra'yiga aad soo gudbisay
- Barnaamijyada kama baaxsana caafimaad iyo waxii la xariiraba.
- Barnaamijyada xajmigooda waxa uu ku xernaan doonaa faaidada laga helayo, mana ka badnaan doonaan sida aan is leeyahay halkiiba 5MB
- Mida ku aadan luqadaha iyo ajaanibta iyo xadidaada ma fahmin, masii faafaahin kartaa wax yar.
- Qeybtaan qof walba oo xubno ah wuu gali kartaa, sidaa kale martidane way u furantahay.

Mahadsanid
Dr.Mahdi
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Kalkaaliye_Bsc on December 07, 2007, 06:05:39 PM
Dr mahdi waad mahadsantahay marka hore.

Hadaan usoo noqdo suaashii aragtiyada qaybta cusub eed qorshaynaysaan inaad kusoo kordhisaan webka: Sidaan jawaabtaada kafahmay barnaamijyadu waa kuwo aan ubaahnayn serial number [aan xadidnayn], markaa qodobkii ahaa hala xadfo oo halagu koobo xubnaha iyo afsoomaali meeshaas wuu kabaxay.

Wabillaahi tawfiiq.
Title: Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
Post by: Admin on December 07, 2007, 06:13:19 PM
Waa sax, serial number malahan.
waa barnaamijyo anaga aan sameynayno si khaas ahne loogu tala galay SomaliDoc members.

Mahadsanid
Dr.Mahdi