Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 20, 2016, 01:55:36 PM

Title: Caafimaadka Kubaayada / Kululeysada / Sisibada?
Post by: SomaliDoc on April 20, 2016, 01:55:36 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kubaayad.png)

Ku daawaynta kuleelka waxay ahayd arrin soo jireen ah oo soomaalidu isticmaali jirtay waligeeda iyagoo adeegsado danbasta iyo carada kulul.

Arrintaasi waxaa badalay buraashada ama boorsada lagu shubo biyaha kulul oo loo yaqaano Kubaayad, Sisibad, Kululeyso ama Boorso-Kaaldo.

Xanuunadee lagu daaweeyaa kuleelka?
Kubbeynta waxaa loo adeegsadaa dhowr xanuun oo la xaqiijiyay inay waxtar u leedahay oo kala ah:

Waxyaabo kale oo badan oo loo isticmaalo kare kubbeynta way jiri karaan laakiin inta aan kor ku soo xusay waa inta la xaqiijiyay inay wax ka taraan.

Sidee loo isticmaalaa Kubbaayadda / Sisibadda?
Waxaa lagu shubaa biyo diiran iyadoo la iska ilaalinayo inaysan hawo galin marka aad biyaha ku shubaysid, kadibne safiican ayaa afka looga xiraa, kadibne meelaha aad xanuunka ka dareemaysid ayaa la saarsaaraa adigoo iska xijin kara maro sida shukumaan oo kale hadduu kuleelka siyaado yahay, haku duljiifanin kululeysada, waxaa laga yaabaa cadaadiskaaga inay xamili wayso oo ay dillaacdo ama furka tuurato, fadlan safiican u fahan qaab isticmaalka marka aad soo gadanaysid, kuna dadaal in ay ahaato nooca cinjirka ah ama laastikada leh oo aadka u jilicsan, ka fogow noocyada qaarkood oo u eg caag oo kale oo cinjirku ku yaryahay, kuwaasi hadduu kuleelka ka bato way dillaaci karaan.

Akhriso Caafimaadka Duugista: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6752.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6752.0)
Akhriso Caafimaadka Isku-istaagga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6326.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6326.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)