Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Macalimow on August 06, 2009, 11:52:31 PM

Title: Su'aal: Markaan Gym-ka Tago babaasiir ayaa ka qaadaa.
Post by: Macalimow on August 06, 2009, 11:52:31 PM
muddo laba bil kahor ah ayaanisku arkay xanuun iiga yimid xagga hoose dabada waxaan la xeriiray dhaqtar waxuu ii sheegay inuu i haayo baabasiirka midka banaankaah ama external-ka ah waxuu iisoo qoray pamata ama sulboosta iyo kaniini waan ku fiicnaday oo waa iga baaba'ay hal week ayaana ka nastay gymka. laakin markaan caadi kusoo noqday ayaan ku laabtay jirdhiskeygii gymka laakiin waa igu soo laabtay oo waa soo kuusmay baabasiirkii, marka waxaan idin waydiinayaa ma qaadisita miisanka ayuu ka dhashaa Baabsiirka waxii talo ah dadka caafimaadka yaqaana ayaan ka rabaa iyo waxan isticmaali karo?..
Title: Re: Su'aal: Markaan Gym-ka Tago babaasiir ayaa ka qaadaa.
Post by: SomaliDoc on August 09, 2009, 03:55:57 PM
Culeys qaadidda waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno baabasiirka,
Waxaa halkaan ka akhrisataa qoraal ku saabsan baabasiirka.

http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=891.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=891.0)

Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah halkaan ka sii weydii
SomaliDoc