Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bakars0n on May 04, 2016, 12:36:33 PM

Title: Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?
Post by: Bakars0n on May 04, 2016, 12:36:33 PM
Dr aad baan kaga mahad celinayaa Sida aad inogu faaideysid.
Suaasheyda waxey tahay  waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay. Daawadi markan dhamestay . Waxaan daremaya  Huritaan ama kulel dhanka Dhabarka ah walibo qeybta Gudaha e calosha xigta . Diktore Arintaan gaaska miye la xirirta ? Talo iyo tusale ayaan u baahanahay
Title: Re: Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2016, 09:01:10 PM
Way dhici kartaa in la xiriirto, laakiin maadaama mardhaw lagaa daaweeyay gaaska waxaa habboon in la baaro in wax kale jiraan inta aan gaas laga shakin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?
Post by: Bakars0n on May 30, 2016, 11:01:51 AM
Dr mudo bil ayaa kaso wareegtay waxan daremay cafimad . Balse labo malmod kahor hadana sidi ayu ii hurtaa calosha raashinka iguso gadomaya waxana saxarada ku arkay dhiig yar o hareraha kaga yaala.
Title: Re: Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2016, 08:03:07 PM
Dhiiga hareeraha kaga samaysmo saxarada calaamad uma ahan gaaska, wuxuu calaamad u noqon karaa cillad malawadka ah weliba meesha saxarada ay soo marto, dhiigga saxarada soo raaco xilliga gaaska wuu madowyahay, saxarada ayuuna ku dhex milan yahay.

Fadlan dhakhtar u tag oo saxarada hala baaro iyo wixii kaloo muhiim loo arko.