Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasra on January 15, 2009, 11:23:06 AM
-
Waxaa in mudo 3 maalin i kabaaban farta bidix oo aan ka dareemayo kabaabasho oo faraha kale ka duwan marka fadlan ii soo sheega waxa sababta ay farta kabaabashada uga baa bi'i la dahay? iyo Waxyaaba keena kabaaabashada?
-
(http://somalidoc.com/Topics/kabuubyo.png)
Kabaabyada ama kabuubyada (Paraesthesia / Tingling / Pricking / Numbness / Pins & Needles sensation) waa dareen qofka ka dareemo maqaarka.
Dareenka kabuubyada waxaa loo kala qaadaa mid joogto ah iyo mid ku meelgaar ah.
Kabuubyada aan joogtada aheyn waxay u badanyahay gacmaha iyo lugaha, waxayna ka dhalataa cadaadis la saaray dareen side (nerve) taasoo ka dhalanaysa in dareenka uu ka tago qeybta neerfahaas uu dareenka siinayay.
Dareenka wuxuu si aayar ah ugu soo laabtaa gacanta ama lugta la cadaadiyay in muddo ah ka dib.
Waxay kaloo ka timaadaa kabuubyadaan haddii aad iska joojisay daawooyinka qaar ka mid ah oo aad qaadan jirtay sida "Paroxetine ama Fluoxetine".
Kabuubyada joogtada ah waxay tilmaamaysaa in ay jirto:
- Akhriso waa maxay Neerfe / Neerfo?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0)
- Dadka waayeelka ah in qulqulka dhiigga ee lugaha iyo gacmaha uu laciifo
- Nafaqo darro iyo yaraanshada fitamiinnada qaar sida fitamiin B5 iyo B12.
- Cudurrada kala ah: Sonkorowga ama Macaanka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html), shaqo yarenta qanjirka troodhka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html).
- Jirro kala goysyada ah oo dhaawacday neerfo sida roomaatiisamka, xanuun ku dhaco jalaqda una badan dadka kumbuyuutarka aadka u garaaco "Carpal Tunnel Syndrome".
- Dhaawac toos ah oo ku dhaco neerfaha (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0).
Waxaa kaloo jiro cillado kale oo badan oo keeni karo kabuubyada sida:
- Dadka cabo Khamriga
- Isticmaalka daawooyinka qalalka
- Diiqada / Niyadjabka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html)
- Fuuqbaxa
- Bootaasyam yarida
- Sonkorta oo ku yaraato dhiigga
- Haweenka dhalmo deyska ah (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5449.0.html)
- Madax xanuunka Migrain (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)
- Daawooyinka suuxdinta.
- Iyo kuwo kale
Haddii kabuubyada ay noqoto mid joogto ah waxaad u baahantahay in aad la xiriirtid dhakhtar guud si uu u kala sooco cudurradaan aan kor ku soo sheegnay, kadibne daryeel u heshid
Badanaa kabuubyada ku dhacdo gacmaha iyo lugaha waa mid ka dhalatay cadaadis ku yimid neerfo, khaas ahaan sida aad sheegtay in ay tahay kabaabyo kaa heyso far kaliya.
Bal gadaal u fikir ma jiraan cadaadis dhawaanahaan aad saartay fartaada tusaale ahaan in aad imtixaanno ka shaqeynaysay oo qalinka cadaadis kaa saaray farta ama suxulka aad meel ku dhufsatay ama cillad kale ay jirto
Haddii aad qabto su'aalo kale oo dheeraad ah halkaan ku soo gudbi: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
Waa mahadsantahay dhakhtar, Weli farta wee i kabaabsantahay xataa farta ku xigta ayaa hadane kabaab soo bilaabeyso, ma jiraan wax daawo ah oo joojiya kabaabyadaasi? Fadlan iisoo qor jawaab deg deg ah.
-
Waadna ku mahadsantahay Dhakhtar
-
Waa mahadsantahay dhakhtar, Weli farta wee i kabaabsantahay xataa farta ku xigta ayaa hadane kabaab soo bilaabeyso, ma jiraan wax daawo ah oo joojiya kabaabyadaasi? Fadlan iisoo qor jawaab deg deg ah.
Walaal waa in aad u tagtaa dhakhtar haddii dareen la'aanta faraha ku fideyso, waxaa keeni karo dhowr shay oo laga hortagi karo.
Ha yaraysan arintaan maxaayeelay waxaa dhici kara in haddii dareenka ka tago farta uu qulqulka dhiigga saameyn ku yeelato kadibna farta ay qalasho.
Mahadsanid