Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deeqo Ali on December 16, 2018, 01:42:03 AM

Title: Su'aal: Ilmaha dhareero maxaa keeno?
Post by: Deeqo Ali on December 16, 2018, 01:42:03 AM
waxaa i jooga cunug yar oo sanad iyo bar jira waa dhareera markaan dhaqtar ugeeyay wuxu idhahay wax dhib ah ma jiro oral gel vitimin c ayuu usoo qoray waxna kga ma garan.
hda waxaan ku arkay carab nuug ama carabka ayuu jaqaa kaas miyaa dhareerka keenayso
waa mahadsan tihin Sod
Title: Re: Su'aal: Ilmaha dhareero maxaa keeno?
Post by: SomaliDoc on April 18, 2019, 09:23:03 PM
Waxyaabaha ugu badan ee caruurta yaryar ku badiyo dhareerka afka waa markay ilkaha u soo baxayaan, haddii quuman ay qabaan ama qanjirrada dhuunta infekshan kaga dhaho, sidoo kale haddii ay carabkooda dhuugaan, qanjirrada calyada aad ayay u shaqeeyaan...

Marka maadaama hadda uu carabka dhuugo, taasi ayaa u sabab ah wuuna ka istaagi doonaa hadduu carab dhuuqa joojiyo ee dhib kale ma jirto.

Halkaan ka akhriso waxyaabaha dhareerka u keeno dadka waaweyn: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0)