Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Caqli on October 06, 2011, 11:10:04 PM

Title: Su'aal: Cadcadaan jirka ah?
Post by: Caqli on October 06, 2011, 11:10:04 PM
waan idin salaamay
wall islaan habar yartay ah ayaa waxa ku dhacay xanuun maqaarkii cadeeyay waxa uu hada hayay  ilaa shan sanadood markii u horaysay waxa uu ka bilaamay faraha xagooda hore markaa waxa uuku soo fiday jirka intiisa kale gaar ahaan gamcaha iyo luguha
wax xanuun ah ma dareemayso ee jidhkii uun ayaa cadaaday
marka meeshyu ay cadaanayso marka hore way modoobaanaysaa kadib sidii wax gubtay ayay ahaa markaas ayay mudhxi oo meel cas isku badali markaa wall bal xanuunkaas iiga soo warama
Title: Re: Su'aal: Cadcadaan jirka ah?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 04:55:13 PM
Halkaan ka akhriso jawaabta su'aashaada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2505.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2505.0.html)
Title: Re: Su'aal: Cadcadaan jirka ah?
Post by: Caqli on October 08, 2011, 10:05:13 AM
WLL cadcadaan ka aan idin waydiiyay wuu ka duwan yahay baraska waayo wax kaara kuma haayo waa cadaan dusha kaliya ah bes dilaac malaha dhiig malaha  boogo malaha wax kaara malaha jidhka uun ayaa iska cad hada waxa ay qabtaana waa mudo shan sanadooda ah walina gamcaha iyo lugaha ma uusan dhaafin oo jirka intiisa kale ma uusan gaadhin waa gamcaha iyo lugaha kaliya bes markaa wall dhakhtaraduna waxay dheheen barash maaha oo dhowr jeer ayay dakhtar tagtay markaa wall jawaab igu soo celiya fadlan
Title: Re: Su'aal: Cadcadaan jirka ah?
Post by: Caqli on October 09, 2011, 10:41:44 PM
fadlan halmar iijwaaba wallayaaloow
Title: Re: Su'aal: Cadcadaan jirka ah?
Post by: SomaliDoc on October 15, 2011, 05:21:56 PM
Walaal baraska wuu noocyo badan yahay, baraskuna malahan xanuun iyo kaar tooanaba, waa jirka oo cadcadaada kaliya, wuxuuna badanaa ka billawdaa farahagacmaha iyo lugaha kadibna jirka dhan ayuu ku faafi karaa.

Baraska wuxuu ka yimaadaa unugyada loo yaqaanno "Melanocytes" oo u qaabilsan jirka midabeynta oogada ayaa hawlgaba ama shaqada joojiya, illaa iyo haddane sababta ay saa u dhacdo oo tafatiran lama fahansano, laakiin waxaa jira daawooyin loogu talo galay in ay kiciyaan unugyadaas sidii midabka dabiiciga ahaa jirka ugu soo laaban lahaa.

Soomalaida ayaa cudurka baraska waxay ka aaminsantahay cudur halis ah ama la is qaadsiiyo ama wato xanuun ama maqaarka oo dildillaaco, taasi maahan mid sax ah.
Walaal haddii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah waa na weydiin kartaa.

Lumista midabka maqaarka jirka waxaa keeni karo dhowr cudur oo kala duwan sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirto takhtar ku taqassusay cudurrada maqaarka "Dermatologist".