Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on August 02, 2012, 10:43:07 AM

Title: Su'aal:- Kaadida oo igu baysa?
Post by: Abdirizak on August 02, 2012, 10:43:07 AM
Asc.

Waxaan isku arkay modo laga joogo 7 Bilood kaadi xanuun siyaado ah, ka dib waxaan u tagay dhakhtar wuxuuna ii diray shaybaarka.

 waxaa layga qaaday:-
 1- kaadi
 2- Burseele
 3- Isfiilito
                     
     Jawaabtiina waxay noqotay Negetive, waxba waa layga waayay, lkn dhakhtarku wuxuu ii qoray. kiniino Antibiotic ah. wuxuu kaloo igu yiri iska yaray shaaha cabidiisa badan, biyahana badso. mudo kadib illaahay caafimaad ayuu isiiyay Alxamdu lillaah,

 laakiin waxaan hada isku arkay in marka ay kaadidu iga imaanayso inay ixanuujiso markay u soo dhowdahay inay soo baxdo, waxaadba moodaa in tuubada dhagax kujiro.

 iyadoo sidaas tahay kaadidu makala go'ayso oo waan sii dhamaysan karaa.

                              illaaahay ayaan caafimaad ka baryaayaa.
Title: Re: Su'aal:- Kaadida oo igu baysa?
Post by: SomaliDoc on October 28, 2012, 11:03:03 PM
Calaamadaha aad dareemeyso waxay tilmaamayaan caabuq kaadi mareenka ah, kaasoo ku dhici karo tubada kaadida marto.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa kaadi mareenka "UTI": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)

Waxaa kaloo dhici karo caabuq soo laalaabtay inuu keenay in tubada kaadida ama ibta in ay ciriiri noqotay, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cilladaas:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1865.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1865.0.html)