Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on August 12, 2017, 09:25:15 PM

Title: Lamaanaha Isla Jiifsado Iyo Caafimaadka.
Post by: SomaliDoc on August 12, 2017, 09:25:15 PM
(http://somalidoc.com/Topics/sariirlamaane.png)

Bismillah,

Cashirkaan waxaan kaga jawaabi doonaa su'aashii ku saabsanayd lamaanaha isqaba oo aan wadaagin sariirta jiifka iyagoo aaminsan in caafimaad darro laga qaado dumarka lala seexdo.!!

Marka hore, Ilaahay ayaa bini'aadanka u abuuray lab iyo dhedig, Isagaane ka dhigay kuwa isku baahan oo aan kala maarmin, wuxuuna quraankiisa iyo xadiithka rasuulkiisa ku sheegay in guurka iyo isutagga lamaanaha ka qaadaan kalgacal, naxariis iyo daganaansho lamaanaha dhex dhigay.

Arrinta ku saabsan in haweenku ay neefsadaan ama soo daayaan hawo xambaarsan walxo caafimaadka u daran waa khuraafaad ku dhisan dhaqan qallafsan oo lagu qarinayo dhaqamo horay u jiri jiray oo laga guuray. wax salne kuma lahan diinta iyo caafimaadka labadaba.
Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in xitaa xaasaskeena la wadaagno sariirta xilliga ay caadada qabaan, weliba aan wax walba isdhaafsiisan karno markii laga reebo jamaaca. Wuxuu kaloo rasuulkeena NNKH ka digay in laga hijroodo ama laga guuro firaashka haweentaada iyadoo lagu xiray shuruudo adag in looga hijroon karo weliba iyadoo ah muddo gaaban.

Taariikhdii hore iyo la dhaqanka dumarka:
Waagii hore, dumarka waa la yasi / quursan jiray, caruurta ayaa lala mid dhigi jiray, talo iyo tusaale lama waydiin jirin, waxaana loo arkay balaayo loo baahan yahay, waxaana taariikhdaas ka dheehan kartaa maahmaahyada soomaalida ee dumarka ku saabsan kuwaasoo qaarkood illaa iyo hadda la adeegsado iyadoo ka tarjumayso xaaladii ay ku noolaan jireen iyo qaabka loola dhaqmi jiray, taasoo u muuqato in laga sii gdubayo.

Maxaa keenay in lamaanaha waagii hore aysan isku meel seexan?

Maanta iyadoo aysan jirin baahi banaan loo jiifsado ama sariir kale ama qol kale iyo iyadoo laga sii ilbaxayo yasiddii iyo quusigii hore ee dumarka lagu hayay, caafimaad ahaan iyo diin ahaanba ma haboona in raggu ay ka guuraan sariirtooda.

Caafimaadka iyo Isla Jiifadka Lamaanaha:
Dhowr diraasadood oo lagu sameeyay lamaanaha isla jiifsada, waxay isku waafaqeen dhowr arrimood oo kala ah:

Talada SomaliDoc:
Waxaan casharkaan ku soo gabagabaynayaa in raggu aysan u baran seexashada meel aan ahayn sariirta jiifka, dumarkana sidoo kale, weliba waa in sariirta jiifka ay hooyadu ka ilaalisaa inay la jiifsadaan caruurta khaasatan kuwood yaryar, taasoo ragga qaar ku kallifta inay meel kale jiifsadaan, kadibne ay la qabsadaan in la kala seexdo.!

Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah oo ku saabsan dhaqidda guriga iyo tacaamulka lamaanaha, fadlan igala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)

Caafimaad buuxa iyo qoys is-jecel, mahadsanidiin.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)[/list]