Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cfatah on June 12, 2009, 01:57:52 AM

Title: Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?
Post by: Cfatah on June 12, 2009, 01:57:52 AM
ASC Walaalayaal waa idin wada salaamay dhamaantiin, marka xigta waxaa raba Somalidoc inuu iga jaahil bixiyo arinkaan oo ah, waxaa maalin kasto markaan hurdada kasoo kaco isku arkaa ugu yaraan 5 finan oo kasoo baxa SANKA korkiisa oo markaa riixo malax yar ka imaanaya waana subax kasto markii aa hurdada kasoo kaco, waxaa rabaa inaan ogaado sababta maalin kasta finankaas ee uga soo baxaan qaasatan sankayga korkiisa....Fadlan Diktoor arinkaan iga jaahil bixi adigo mahadsan..

WSC WR WB.
Title: Re: Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?
Post by: SomaliDoc on June 16, 2009, 10:44:01 PM
(http://www.happynews.com/living/skin/adult-acne-types.jpg)www cfatah, Finan ka soo baxa sanka korkiisa waxaa keeni karo dhowr waxyaabood laakiin sida ay ila tahay finanka aad ka cabanayso waxaa loo yaqaanaa Acne (soomaalidana ay u taqaanno findoob).
Fianankaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro oogeed oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo malax oo kale ah.

Inkastoo waxa toos u keeno finankaan aan la ogeyn laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay daawooyinka qaar, heerka hormoonnada qofka, bakteeriyo, qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya iyo diiqada (welwelka iyo fekerka)
Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrad saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.

Su'aasha ah maxay habeenkii u soo baxaan finankaan waxay jawaabteyda noqoneysaa findoobka waxaa xakuma heerka hormoonka jirka uu marayo sidaa darteed dadkaa qaarkii isbedelka hormoonadooda way kacsanyihiin habeenkii.

Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tanoo u badan gabdhaha).

Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finanka aad ka cabanayso.

TALO: Ha isticmaalin daawo uusan kuu qorin ama kala tashan takhtar

SomaliDoc