Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Najma Saalax on November 19, 2016, 01:15:43 AM

Title: Su'aal: Waxaan aad ugu dhibtoodaa neefsashada?
Post by: Najma Saalax on November 19, 2016, 01:15:43 AM
Asalaamu caleeykum bahda caafimaadka ee Soomalidoc.

Waxaan ahay qof doonayo in aad ka caawisaan dhib heeysto.
Waxaan ahay gabar jirta 19 years....
Dhammaadkii 2014 illaa waqtigaan la joogo ayaan isku arkaa xanuun oo aanan iga hareeyn in uu sii bato mooyee.

Waxaan aad ugu dhibtoodaa neefsashada, maalinta dhan weey tirsantaa inta mar ee aan neefsado anigoon ku dhibtoon.
Sidoo kale waayihi danbe waxaan isku arkaa wadno xanuun saa'id ah iyo markuu wadnaha i xanuunayo in aanan awoodin neefta in aan xoog u soo jiido waayo wadnaha aad uu ii tikaamaa waxaana ila xanuunto gacanta  bidix oo iyana i tikaamto.
Sidoo kale aabaheey wuxuu qabaa neef  balse iskuma arko astaamaha dadka neefta qabo sida shanqarta qofka dhexdiisa ka yeereeyso  qufaca.......

Run ahaantii lama xiriirin dhaqtar mana isku dayin in aan iska daaweeyo waayo waxaan qabaa phobia of doctors and medcine........
Waana marki iigu horreeysay ee aan ka hadlo dhibtaan in muddo ah aanan iga harin.

Waan idinka dhur sugayaa.
Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan aad ugu dhibtoodaa neefsashada?
Post by: SomaliDoc on June 09, 2017, 10:28:36 AM
Ilaahay caafimaad buuxa ha ku siiyo, neefsashada oo ku dhibto iyo feeraha dhinaca bidix oo ku xanuuno labaduba waxay noqon karaan cillad wadnaha ama sambabada.
Wadne xanuunku wuxuu leeyahay astaamo dheeraad ah sida neefsashada oo ku dhibto, daal iyo tabardarri markaad howl qabatid, cagaha oo ku bararo, seexashada habeenkii oo ku dhibto iyo kuwa kale.

Marka waa muhiim inaad warbixin faahfaahsan ka siisid haddii aad qufacdid iyo midabka xaakada, xilliyada uu naqaska kugu dhago, inta aad xanuunsanayd iyo wixii astaamo kale ee aad dareentid.
Title: Re: Su'aal: Waxaan aad ugu dhibtoodaa neefsashada?
Post by: Najma Saalax on June 09, 2017, 10:44:16 AM
Inta uu naqaska igu dhagan yahay weey jiraan xanuuno kale oon dareemo...
Laakin kalarka xaaqada ma jiraan wax is badal ah..
Sidoo kale wuu jiraa qufac marmar dhif ah mana aha mid isaga iska imaanaya ee waa mid aan aniga raadsho anigoo iska nafis.
Marki aan xoog u soo jiido neefta waxaa i xanuuno feeraha, wadnaha mararka qaarna kiliyaha mana awoodo neefta aan soo jiiday in aan si toos ah u soo saaro.
Bilihi ugu danbeeyay waxaa ii darsamay cunta marki aan cuno in eey aad iigu sii adkaato sidoo kalana cuntadi aan cunay dib ayeey iigu soo noqoneeysaa...
Marki aan socdo daal aad u badan iyo neefta oo igu dhagto ayaan dareemaa..
Habeenkii marki aan seexanahay baa iigu daran inkastoo aanan hurdin waqti badan haddana 3barkin baan ku seexdaa imana caawiyaan habeenada qaar..
Sidoo kale waxaa jirto in eey wadnaheeyga maaso ka kacdo oo aad u xanuun badan ilaa 10minutes far ma dhaqaajin karo marki eey maasadaas iga kacdo weeyna ikala tuurta waxaana dareemaa qof eey maaso ku dhagtay waxa uu dareemi lahaa.

Thanks again and again.
Title: Re: Su'aal: Waxaan aad ugu dhibtoodaa neefsashada?
Post by: SomaliDoc on January 26, 2018, 07:35:35 PM
Walaal dhakhtar la xiriir sida ugu dhakhsiyaha badan si wadnaha lagaaga baaro hadduu xanuun jiro iyo in kale, midda kale waxaa suuragal ah inuu xanuunka gaaska ah ku haayo maadaama aad dhahday dhaqaska wuxuu iigu daran yahay markaad cunnada cuntid, wayna kugu soo gadoontaa cunnadii oo kulul.