Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Calanside on December 15, 2015, 06:34:10 PM

Title: Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?
Post by: Calanside on December 15, 2015, 06:34:10 PM
asc walal waxen ku ware ray arin ila so darsay kaso ah sida tan waxan guursaday mudo laga jogo 4 bilod waxana isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin less than 2 to 3 minutes waxen ku noolahay usa truck driverna wa ahay mar waxan u sababeya babasirkayga i hayo marna wan da yarahay oo 30 ayan hada galay ee maxa igu dhacay waxan ka xishonaya inan qof waresto  dhaqtar noce an u tagana ma aqano waxan islaha howsha kugu cusub mudo ka dib caadi baad noqonaysa balse wax is bedel ma lana ee ila tali oo mixi cilmi ee alle ku baray arintaydan wax iiga sheeg mahadsanidin jazakumulah
Title: Re: Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?
Post by: SomaliDoc on December 18, 2015, 08:07:37 PM
Arintaan biyobaxa degdegta ah waa cillad ay ka sheegtaan dad badan, inkastoo dadka qaar aaminsan yihiin in baabasiirku uu xiriir la leeyahay laakiin dhkahaatiirtu ma hayaan weli xiriir la hubo, sidaas awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad marka hore akhrisatid qoraalkaan kooban ee ku saabsan biyo-baxa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html)
Midda kale waxaa haboon in aad la xiriirtid dhakhtar qalliin guud si uu baabasiirka kaaga eego, hadduu yahay mid aan dhib lahayn iyo mid u baahan in lagaa qalo, akhriso cudurka baabasiirka iyo waxyaabaha uu keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html)

Dhakhtarka aad u baahan tahay oo kaal talin karo arrintaan waxaa la dhahaa "Urologist" waana takhasus raacsan qalliinka, haddii ay jirto cillad kale oo u baahan dhakhtar kale isagaa kuu diri doono.