Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wahiib143 on March 14, 2012, 01:37:11 PM

Title: Su'aal ku saabsan Fibromyalgia?
Post by: Wahiib143 on March 14, 2012, 01:37:11 PM
 waan idin salaamay dhakhatiirta
waxaan u maleynayaa inuu i hayo xanuunka fibromyalgia markaa akhriyey calaamada cudurkan iyo astaamihiisa.
waxaan leeyahay calaamadahan ku xusun meesha intooda badan sida diiqada welwelka iyo xanuunada
muruqyada
 iyo kalagoysyada
 waxaanuu xanuunkani ihayo mudo iminka ku dhaw ilaa sanad markaa waxaan idinka codsanayaa talaabada ugu fiican ee aan qaadi karo
iyo daawada saxda hadii ay tahay baadhitaano ama loo baahdo in aan dhakhtar laxidhiidho
Title: Re: Su'aal ku saabsan Fibromyalgia?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 05:54:01 PM
Ma jiro baaritaan lagu ogaado xanuunka fibromyalgia, laakiin waxaa garan karo qof aqoon u leh cudurkaan ama ku taqasusay cudurrada ku dhaco lafaha iyo murqooyinka, qofkaasina waxaa loo yaqaanaa "Rheymatologist" waa takhtar ku taqasusay cilmigaas.

Haddii aad awood u leedahay in takhtarkaas aad hesho way fiicnaan lahayd maxaa yeelay waxaa jiro cudurro badan oo u eg fibromyalgia oo u baahan in laga sooco, waxaa looga sooci karaa in la sameeyo dhowr baaritaan oo lagu ogaado cudurrada kale.

Haddii cudurrada kale lagaa waayo, aadna leedahay astaamaha cudurka fibromyalgia, takhtarka daawo ayuu kuu qori doonaa.

Halkaan ka akhriso warbixin dhameestiran oo ku saabsan Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0)