Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hashimyare100 on May 01, 2020, 09:59:44 PM

Title: Su’aal: Dhowaan ayaan guursaday, Waxaan igu dhacay dhabarxanuun.
Post by: Hashimyare100 on May 01, 2020, 09:59:44 PM
Asc. Ramadan Kariim dhamaantiin. Waxan ahay nin dhalinyaro ah, dhowaan ayaan guursaday. Markaan xaaskeyga la joogay mudo bil iyo bar ah, Waxaan isku arkay xanuun Dhabarka qeybta hoose ah. Habeenkii xaaska markaan u galmoodo subixii Dhabarka tacbaan ayaan ka noqdaa.

Markii hore Waxaan u qaatay murqo xanuun iyo exercise la’aanta in ey keeneyso. Exercise ayaan sameeyay, weli Waa sidii. Hada waan kasii daray oo xanuun joogto iyo tabardari ayaan wehel u noqday.

Intaanan guursan ka hor Waxaan ahaa dhalinta siigeysato. Mudo badan ayaan siigada sameyn jiray. Mudooyinkii ugu dambeeyay markaan siigeysto Waxaan dareemi jiray xanuun yar oo Dhabarka ah iyo tabbardari, Lkn maalin ka DIB waan ka fiicnaan jiray.

Hada mudo sadex bilood ah Dhabarkaa i xanuunaayo maalin iyo habeen, waan dhaqaaqi la’ahay, xaaska Hadaa u tago waan sii darsanayaa.

Marka walaalayaal i caawiya oo talo i siiya sidii aan ku caafimaadi lahaa.

Mahadsanidiiin.