Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdiaziz2017 on January 31, 2019, 10:34:27 PM

Title: Su'aal: Jilbaha Shanqar ka yeerta?
Post by: Abdiaziz2017 on January 31, 2019, 10:34:27 PM
Asc, waan idin salaamay bahda SomaliDoc waxaan rabay inaad iga jaahil bixisaan su'aashan, waxaan dareema in jilbaheyga dhawaaq ama shanqar ay ka yeerto markaan fadhiga ka istaago, iyo xiliyada salaada aan dukanaayo, ma arrin caadi ah baa dhawaaqas?.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Jilbaha Shanqar ka yeerta?
Post by: SomaliDoc on October 13, 2019, 12:20:10 PM
Maya, arrin caadi ah maahan in shaqnarta jilbahaaga aad maqashid, waxayne tilmaan u tahay in jilibka uu cuelys saaran yahay ama xanuun kugu soo socdo uu jiro, haddii aad cayilan tahay ama jimicsi xad dhaaf ah aad mar dhaw bilawday ama xanuunka riixa ama roomaatiisamka uu kugu socdo ama qoyskaaga uu dhaxal u leeyahay intaasba iyo ka badan way keenaan in jilibkaagu uu shanqaro.

Alle wuxuu jilibka ku abuuray dareere hadafkiisu yahay inuu subkiyo kalagoyska, kana hortago in lafuhu is xoqaana ma carjawada u dhaxayso uu dhaawac gaaro, si taasi looga hortago fadlan dhakthar la xiriir si loo ogaado cilladaada waxa keenay.