Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac Garweyne on February 15, 2016, 12:00:01 PM
-
Asc all som/doc waxaan arkay topic aad uga hadasheen cuna xanunka lkn midka i hayo wuu ka duwanyahay. Hadaan soo kobo doc xanunkeyga cunaha mid jogta ah ma'ahan. Mar mar ayaan soo toosaa aniga oo cunaha ixanunayo cuncun nah uu leeyahay. Wax liqitaanka imadhibo xanun u cunaha dhan barar sanyahay ma'ahan. Lkn dalqada caadka ka dambeyo ayaa kurtumo kuskusan leh. Markey i xanunaya wax dhecaae dhig leh u ku jiro ayey u egyihiin. Mar marka kaleh nah weyshuqaan o kurtumahaas iyo waxa dhecaanka dhiiga leh lama'arko. Teeda kale subaxaas markaan cadeydo oo aan biyo caadi ah cabo xoga cuncunka wuu yaraada ilaa qoraxda kaso kululaneyso wax yar kadib nah cuncunkaas wuu baaba'aa. Hadan daawada lagu cadeydo isticmalo iyo hadi kaleba??? Marka doc maxaan u dawo ah ama waa maxay waxaas adigo mahadsan. Dhamaantiin allah ha idin ka kher siyo wax tarkiina hagar la'aanta ah.
-
Kurtumahaas halkee ku yaallaan, ma carabka gadaashiisa mise meel kale?
Ma leedahay laabjeex, qufac, xasaasiyad ama sanboor oo kale?
Ma cabtaa sigaarka ama shiishadda?
Fadlan akhriso qoraalkaan hadduu ku anfacayo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6460.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6460.0.html)
-
Carabka ma'ahan doc cunaha ayey igaga yalaan hadaan afka kala qaado wey ii muqanayaan. Labjex,qufac,xaasasiyad, iyo balwad malihi.
-
Haddii ay saas tahay, la xiriir dhakhtar si lagaaga eego cunaha iyo meesha ay nabraha kaga yeellaan iyo sida ay u egyihiin.