Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on June 01, 2017, 06:09:40 AM

Title: Su'aal: Calooshaa layga hayaa?
Post by: Kaltuun on June 01, 2017, 06:09:40 AM
asc dr ramadaan mubaarak aad baan kuu salaamayaa salaan ka dib suashayda waxay tahay calooshaa layga hayaa gaastarik ban qabaa  caloosha dhanka bidix haba udarnaatee bisbaaska hadaan cuno calooshaa igu soconaysa waliba markaan saxaroonayo waxaad moodaa in bisbaas malawadka layga mariyey calooshana xanuun hada waliba suxuurta bay ixanuuntaa malays dhihi karaa gaaska nabaro igu sameeyey bal wixii talo dr bankaa sugayaa .
aad baan kuugu mahad celinayaa
Title: Re: Su'aal: Calooshaa layga hayaa?
Post by: SomaliDoc on January 10, 2018, 07:41:23 PM
Maya, la isma dhihi karo nabro ayuu gaaska kugu sameeyay sababtoo calaamadaha la dareemo nabarka waxaa ka mid ah xanuun bogga iyo ku aadkiisa xagga dhabarka ah la dareemo, matag mararka qaar wax madaw ama dhiig la socdo, xanuun la dareemo markii cuntada caloosha gaarto.
Fadlan akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0)