Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Farta hd on January 12, 2018, 12:47:26 AM

Title: Su'aal: Kaniiniga Folic Acid iyo Uurka?
Post by: Farta hd on January 12, 2018, 12:47:26 AM
Waan ku salaaamay dr
Labo suaal ayaaa rabaay inaa kuwaydiyo
1.kaniinka folic acid ka ma must ba inay qaadato hooyada uurka leh.
2.hooyada uurka leh ee waliba uurkedu yar yahay huruda  iyo diinsiga ma ku darsakartaa cuntada sida shaah okale.


Waxan rajaynaa inaa fahantay suaashyda igana so jwbtid insha allah dr kheyr badan alle ha ku siiyo
Title: Re: Su'aal: Kaniiniga Folic Acid iyo Uurka?
Post by: SomaliDoc on December 08, 2018, 12:14:04 AM
Folic Acid: wuxuu la shaqeeyaa fitamiin B12 wuxuuna keenaa dhiigyari hadduu jirka ku yarayahay waana in la siiyaa haweenka uurka leh wuxuu muhiim u yahay samayska DNA oo ah macnaheeda waa muhiim markii unug cusub la samaynaayo, haddii hooyada uurka leh aysan qaadan fitamiinkaan ama uu ku yaryahay waxaa la arkaa in ay dhasho caruur dhabar furan ama san faruuran.
Waxaa laga helaa gallyda, digirta, salbukada, falfalliirka, oranjada, liin balbeelmada, saliidda lowska, khudaarta iyo khamiirka cuntada lagu daro.