Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on January 12, 2018, 12:26:20 PM

Title: Su'aal: Cleft lip and palate?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on January 12, 2018, 12:26:20 PM
Asc..
Doc waxan doonnaya in aan wax ka ogaado (faruur jeexa) ama faruuray hadba sida loo yiqaanno oo ilamaha ku dhasha aygoo markaas leh uniletaral ama biletaral cleft.
Haddaba su'ashada waxa ay tahay qaabkee loo marayaa ama loo hagaajiyaa?
Madaama ay ku adagtahay in uu wax nuugo ama suuragal ay tahay wixi afka ka qaato uu soo celiyo ( regurgitation) ....... Ma dhaxal baa ? Sidee loola tacaala in ilamahasi si u helo ingestion wanagsan.?
Doc waxan in badan kaga mahad celinaya hawsha aad bulshada u hayso si mutadawacnimada leh.
Title: Re: Su'aal: Cleft lip and palate?
Post by: SomaliDoc on December 08, 2018, 08:30:03 PM
Faruur jeexa waa cilladda ugu badan ee caruurta ku dhashaan, dhaxalne wuu noqdaa, daawooyin ay hooyada qaadato xilliga uurkane way keenaan sida daawada qalalka loo qaato ee "Valproic Acid" khaasatan bilaha hore ee uurka.

Waxaa arintaan lagu xalliyaa qalliin lagu saxayo jeexaas, kaasoo marne faruurta ku eg, marne illaa dhanxanaga gaarsiisan.