Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Aamina on July 30, 2018, 11:13:14 PM

Title: Su'aal: dhiig ayaa i furmay?
Post by: Umu Aamina on July 30, 2018, 11:13:14 PM
asc wr wb aad baad u mahadsan tihiin walalayaal.su'aashayda waxa weyaan aniga oo uur leh 3 bil ah ayaa dhiig iga furmay kadib dhakhtarkayga waxaa uu iyidhi wax cilad ah kuguma arko aan ka ahayn makaanka oo bananka kaa bararsan mudo kadib markan ahà 7 bil ayaa malin dhiig badan iga furmay kadib emergency ayàn tagay waaba layga fooliyay waan umulay alaxamdulilah.hada mudo kadib dhig dhig yar ayaan isku arkay scan ayaa lay saray dhakhtarkayga waxa uu ii sheegay in overy ama ugaxanta midig i bararsan tahay waqtigaa aan u tagayay week kadib waxaa ii yimi dhiigii cadada markaa caadi miyaa haday ku bararto mise waa cilad dhkhtarka waxa uu ii sheegay in ay dumarka marka ay dhalaan  badana dhacdo jazakallah khayr walal ii jawaaba
Title: Re: Su'aal: dhiig ayaa i furmay?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2019, 10:19:56 PM
Bararka aad sheegtay hadduu yahay fiix ama waxa loo yaqaano "Cyst", waa barar kumeelgaar ah wax dhib ahne ma keento wayna iska baab'adaa, haddii wax kale ay tahayne bal noo soo faahfaahi.

Halkaan ka akhriso dilanka ama dhiig-furanka waxyaabaha keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html)