Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deqacadey on August 04, 2015, 11:39:54 PM

Title: Su'aal: Lafa xanuunka?
Post by: Deqacadey on August 04, 2015, 11:39:54 PM
asalama caleykum
  walal  waxa  idin weydiina  waxa  gabdheyda  xanunayo  lafaha    sinta  ila  iyo  caagta  logu  socdo    inta  u dhaxeeyso    dadeeda   waa  16 jir    marka   maxa  waye  xanunkas     maxase  daawo  u ah   
Title: Re: Su'aal: Lafa xanuunka?
Post by: SomaliDoc on August 06, 2015, 04:11:47 PM
Lafo xanuunka wuu noocyo badan yahay, wuxuu ka imaan karaa caabuq lafaha ah, xanuunka roomaatiisamka / tufta, riixa, lafo-beelka ama kaalsiyam yari intaba, inkastoo ay jiraan xanuuno kale oo u ekaan kara lafa xanuunka sida murqo xanuunka, cilaldaha neerfaha ama hormoonada ama vitamiin yarida, dadka da' yartane kuma bado, fadlan takhtar u gey gabadha si loo ogaado cillada hayso.
Haddii aad u baahan tahay warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xanuuanda lafaha ku dhaco, kha akhriso halkaan:
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html)
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html)
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html)
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html)
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html)
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html)