Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on January 17, 2015, 11:12:18 PM

Title: Infakshanka Dhiigga (What is Blood Infection)
Post by: SomaliDoc on January 17, 2015, 11:12:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/infekshan.png)

Infekshanka dhiigga waa xaalad halis ah, wuxuuna ka dhashaa difaaca jirka oo aad u kaca markuu jeermiska infakshanka keeno uu dhiigga gaaro.

Akhristow, Waxa aan rabo in casharkaan aad ka faaidaysto waxay tahay infekshanka dhiigga maahan cudur sidiisa u taagan ee waa xaalad ka dhalata infekshanka jirka meel ka mid ah asiibay kadibne dhiigga u soo gudbay, tusaale ahaan haddii infekshanka kaadi mareenka ama infekshanka sambabada ama infekshanka quumanka uu gaaro dhiigga ayay xaaladdaa timaadaa, waxaana loo yaqaanaa magacaan kale oo ah "sumoobidda dhiigga" oo afka qalaad lagu dhaho "Sepsis"

Warbixintaan waxaan kuugu sheegayaa in haddii takhtar-kaaga kuu sheego in aad qabtid infekshan dhiigga ah in su'aashaada ku xigta ay noqoto, halkuu infekshanka ka yimid?!
Tani waxay kaa caawin kartaa in aad ogaatid meesha cillada kaa haysato, haddii aysan weli kala caddayn waxaad codsan kartaa in lagu sii baaro oo la ogaado waxa jira.

Badanaa waxaa dhacda in qofka lagu sheego infekshan dhiigga, ka dibne daawo loo qoro isagoo aanan ka war qabin, xanuunka laga daaweynayo iyo infkashanka meesha uu kaga yimid dhiigga.

Waa maxay infekshanka dhiigga?
Markuu caabuq hayo xubin jirkaaga ka mid ah, caabuqaas waxaa la dagaallamo difaaca jirka si loo kontroolo, tani waxay keentaa haddii caabuqa uu sarreeyo in unugyada difaaca jirka ay aad u bataan oo dagaal xoog leh galaan, tani waxay dhaawac u geysan kartaa xididada, beerka, kilyaha, maskaxda, beerka, sambabada ama qofka wuu la miir daboolmi karaa ama wuu u dhiman karaa haddii aan la daawaynin.

Maxaa keeno sumoobidda dhiigga?
Waxaa keeno caabuq jirka asiibo khaas ahaan kuwa jeermiska bakteeriyada ay keento, taasoo jirka ka gasho dhaawac kaa gaaray dhaawac ama duleelada jirka mid ka ah sida sanka, afka, cawrada, dhagaha, indhaha IWM.
Waxay kaloo bakteeriyada jirka ku gashaa markii lagugu sameynayo baaritaan sida in lagu galiyo qalab dhiig lagaaga qaadayo ama daawo lagugu siinayo, tubada kaadida kaa soo saarto iyo qalabyada qalliinka dhammaantood.

Yaa halis ugu jira sumoobidda dhiigga?
Waxaa halis ugu jira dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo, sida dadka qaba cudurka AIDS-ka, kansarka, ama isticmaalo daawooyin difaaca jirka hoos u dhigo.
Wuxuu kaloo u da ran yahay caruurta yaryar iyo dadka da'da ah khaas ahaan kuwa xanuunsan.
Dadka isbitaallada muddada dheer jiifay ama sonkor qaba.

Maxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto in xaaladaan aan qabo?
Calaamadaha waxaa ka mi ah:
1- Qandho qarqaryo leh ama heerkulkaaga oo dhacsan
2- Kaadidaaada oo yaraato
3- Wadna garaac siyaado ah iyo cadaadiska dhiiga oo dhacsan
4- Neefsasho siyaado ah
5- Lalabo iyo matag
6- Shuban

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Waa in marka hore la helo infekshanka ku hayo meesha uu kaa soo gaaray, waain dhiiggaaga la beero oo laga dhex eego jeermiska bakteeriyada nooca ay tahay
Waa in laguu diraa baaritaanno dhowr ah oo isugu jiro dhiig, kaadi, saxaro, ama lagu saaraa Raajo "X-ray"
Hadduu xanuunkaaga halis yahay waa in Isbitaal lagu jiifiyo si laguu xanaaneeyo, laguuna siiyo cirbado antibiotic ah.

Waxaa lagaa yaabaa marka ugu horreysaba in lagu siiyo daawooyinka bakteeriyada lagu dilo oo aan kala soocneyn inta baaritaannada ka soo dhameestirmayaan.

Haddii xaaladdaada qatar ay tahay oo xubnahaa jirka ay saamayso sida beerka, kilyaha, maskaxda ama sambabada waxaa lagu jiifin doonaa qeybta daryeelka halista ah si xaaladaada isha loogu haayo, laguguna xero qalabyo la socda xaaladaada ma xubnahaaga jirka caawiyo.

Haddii xubnahaa infekshan uu howlgabiyo sida kilyaha oo kale waxaa lagugu samayn doonaa kilyo-dhaqis degdeg ah si loo badbaadiyo kilyahaaga.

Ma laga hortagi karaa sumoobidda dhiigga?
Caafimaadka ilaah ayaa hayo, cudur kastane kaa ilaalin karo, laakiin dadaal ayaa nala faray, haddii aad isku aragto xanuun jirka ah, caajis iyo warwareer, qandho leh qarqaryo, fadlan la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan ha is dhihin waad ka roonaa doontaa iska adkayso, maxaa yeelay astaamahaas waa caabuq bilowgiis.

Wixii macluumaat intaa dheer ah, waad na soo weydiin kartaa.
Intii xanuunsan allaha caafiyo.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)