Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on March 14, 2011, 09:51:04 PM

Title: Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)
Post by: SomaliDoc on March 14, 2011, 09:51:04 PM
(http://somalidoc.com/Topics/degdegcaafimaad.png)

Degdeg caafimaad waa marka dhibaato ama dhaawac uu jiro u baahan in isla markiiba wax laga qabto. Waxay taasi dhacdaa marka dhibaatada caafimaad ee qofku qabo ay keeni karto in qofku dhinto ama waayo xubin jidhka ah sida far, gacan, lug, ama qayb kale.
Haddii qofku aanuu gargaar degdeg ah helin, waxaa dhici karta in dhibaato aad u xumi ku dhacdo ama uu dhinto.

Kuwan soo socda ayaa tusaale u ah degdegga caafimaadka:

Marka aad ay ku haysato mid ka mid ah xalaadahaas, waxa gargaar caafimaad lagaa siin karaa habka gargaarka caafimaadka ee degdegga ah. Inta badan meel kastoo aad joogtid waa qasab in aad si dhakhso ah ku gaartid isbitaal ama aad wacatid ambulance.
Is daji, u hadal tartiib iyo si cad, ka dibna dhibaatada ku haysa u sheeg shaqaalaha gargaarka degdegga ah.

Haddii aad astaamahaas kore isku aragtid waxay ka tarjumaysaa xanuun halis ah ee ha is dhihin waxyar u sug, hana isku dhakhtaraynin ee talo dhakhtar oo degdeg ah raadso.

Haddii aad su'aalo qabtid la xiriira xanuunkaaga, noogu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)
Post by: Mohmansuur on November 07, 2011, 01:57:43 PM
ascw waxaan ubahanahay inaan helo dawooyinka loo isticmaalo emergency           mahadsanid
Title: Re: Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 08:15:40 PM
Maxaad ula jeedaa in aad hesho daawooyinka emergency-ga?