Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 24, 2016, 10:50:20 PM

Title: Duugistu Maxay Caafimaadka u Tartaa?
Post by: SomaliDoc on March 24, 2016, 10:50:20 PM
(http://somalidoc.com/Topics/duugista.png)

Bismillahi,

Qoraalkeenu waxuu ku saabsan yahay, waxa loo yaqaano duugista ama daliigista ama masaajka oo qofka isku sameeyo ama lagu sameeyo iyo saamaynta uu caafimaadka u leeyahay.

Duugista waxaa la suubin jiray kumanaan sano ka hor, waxaana jiro tobaneeyo nuuc oo duugis ah, kuwaasoo isugu jiro riixriixid, ruxruxid, jucjucin, daliigis, dubaaxin iyo qalqalloocin, waxay kaloo duugistu ka mid tahay daaweynta iyadoo loo yaqaano "Message Therapy" ama "Physiotherapy", waxaana jiro dad ku takhassusay oo jaamacado uga soo baxay duugista.

Duugista waxaa la adeegsan karaa qalab ama qalab la'aan, waxyaabaha la adeegsado waxaa ka mid ah, dhagaxaan kulul, carro kulul, biyo kulul, qalab koronto, saliid kulul IWM.

Qoraalka ugama hadli doono sida loo sameeyo duugista, laakiin waxaan tilmaami doonaa waxa uu caafimaadka u taro:


Maadaama aan tilmaannay faa'idooyinka laga helo duugista iyo masaajka, wuxuu qofka isweydiin karaa laba su'aal oo kal ah:
Sidee u samayn karaa Duugis? - Sida aan kor ku soo xusayba, duugistu way noocyo badan tahay, siyaabo badan oo la sameeyane way jiraan, nooca ay badanaa soomaalidu taqaano waa isku-kubeynta biyaha kulul iyadoo la adeegsanayo "boorsokaaldo", waxaa kaloo ka mid ah, in jirka lagu daliigo saliid qandac ah khaasaatan dhinaca dhabarka, lugaha, simanka, gacamahaba iyo meelaha uu qofka ka daalan yahay ama ka caajisan yahay, waxaa kaloo ka mid ah in la isku istaago iyadoo la iska ilaalinayo inuu qofka dhaawac ku gaarsiin, akhriso qoraal aan uga hadlay isku istaagga iyo joogjoogsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6326.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6326.0.html).
Haddii aad u baahan tahay in aad barato qaababka xirfadaysan ee loo sameeyo waxaad internetka ka daawan kartaa sida loo sameeyo, ama adiga isku samee ama ha lagugu sameeyo inkastoo waxtarku uu badan yahay markii qof kale ku duugo ama ku masaajeeyo.
Halkee isku duugi karaa? - Duugistu ma ahan sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in loo tago meelaha la isku duugo, duugistu waa wax sahlan, waxaan lagu samayn karaa guryaha, waana muhiim in labada qof ee is qaba inay bartaan siyaabaha la isku duugo, maadaama labadooduba ay faa'ido u wada leedahay.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)