Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on November 09, 2011, 02:31:04 PM

Title: Su'aal: Xidid nabar jaro oo aan la xidhin iyo saamantiisa?
Post by: Nuur12 on November 09, 2011, 02:31:04 PM
dhamaan waxaan salaamayaa dhaqaatiirta iyo aqyaarta kale waxaana u mahad celinayaa dhaqaatiirta fegradooda kaashaday waxaan qabaa su.aal taas oo ah had iyo goor waxaa dhacda in ay somalida dagaalbadantahay oo ay nabaro isku dhuftaan ama sikale u gaadhaan nabaro mindi laysku dhufto nabar dhagax geesto  sikastaba ha u gaadhee ay dhaawacmaan markaa hadii xidid go o kuwa tolayaa  islamadoontaan labada af ee xididka ee waxay tolaan oo keliya  haraga markaa buu dhiigii istaagaa  markaa xididkaasi qofkii saamayn intee leeg buu u gaysanayaa mase ka maarma yaa labadaa af ee xididka ee kala maqan mise sidaa baa sax ah waa yaryihiin waxa oqoon dheerad ah u leh badankoodu waa dadkii 21 sano ee burburka somaliya  ku soo baxay   jawaab wacan
Title: Re: Su'aal: Xidid nabar jaro oo aan la xidhin iyo saamantiisa?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 09:25:47 PM
Xididada jirka waxay u qaybsamaan labo qeybood:

1- Halbowle: kan waa xididka qaado dhiigga oksajiinka leh oo garsiiay xubnaha jirka oo dhan isagoo ka keena wadnaha waana xidid haduu dhaawac uu gaaro u baahan in la isku tolo haduusan ahayn xidid yar oo laga kaaftoomi karo oo leh faracyo dhiiga is dhinac mariyo, badanaaba eebe xididadaan halista ah ma saarno maqaarka korkiisa oo murqaha way ka hoseeyan badanaa oo way qarsan yihiin oo dhaawaca gaaro wuu yaryahay haddii aysan ahayn xabbad iyo toorrey gudaha jirka u gashay.

2- Arooriye:  kan waa xididka qaado dhiigga aan oksajiinka lahayn wuxuuna ka qaadaa xubnaha jirka wuxuuna geeyaa wadnaha si looga dhigo dhiig oksajiin leh kaibne halbowlayaasha ay u soo qaadaan, xididadaan badanaa waa kuwa dhawacmo, haddii dhaawaca uu yahay maqaarka kore maahan macnaheeda in xidid uu wax gaaray haddii dhiig la arko laakiin waa laga yaabaa in mararka qaar dhiiga uusan istaagin haddii la cadaadiyo markaasne waxaa loo baahanyahay in xididkaas dhiigga wado la qabto si uu istaago. marka xidid muuqdo oo dhiig wado maqaar kaliya lama tolo waa in xididka la qabto.

Waxaan filayaa in aad fikrad ka qaadatay xididada iyo dhaawcooda.