Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qays on October 29, 2012, 08:42:22 PM

Title: Su'aal: feeraha dhanka wadnaha oo soo kuusan?
Post by: Qays on October 29, 2012, 08:42:22 PM
asc dhamaan doctors salaan ka dib wiil aan walaalo nahay ayaa waxaa feerahisa dhinaca
 bidix ee sare dhanka wadnaha ka soo koosan tahay, waxaa loo geeyay dhakhtar qaabilsan resbitaroy wuxuuna sheegay inay heeso nafaqo daro dawo yar uu u so quray 2 sano ka dib wali waa sidii wilkii wuxuuna hada dareemaya xanuun yar ama ciriiri marka uu u sexdo dhanka bidix maxaa daawo ah uu heli karaa qofkaas ama talo ah.

 waad mahad san tihiin

 Allaah macaak
Title: Re: Su'aal: feeraha dhanka wadnaha oo soo kuusan?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 02:45:03 PM
Kuuska goormaa lagu arkay?
Ma jug hore ayaa jirta?
Ma lagu sameeyay baaritaan sida in raajo la saaro oo kale?
Xagga wadnaha malaga baaray? maxaayeelay hadduu wadnaha bararo, way soo kuusataa meesha ku aadan?
Lafaha feeraha miyaa qalloocan oo wiilka Gedef miyuu qabaa?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab, si talo laguu siiyo.
Title: Re: Su'aal: feeraha dhanka wadnaha oo soo kuusan?
Post by: Qays on November 16, 2012, 08:42:39 PM
 koskan waxaa lagu arkay mudo laga joogo 2 waxaana la saaray x-ray iyo ECG scan xaga wadnaha waxayna leeyihiin uu fican yhy wadnaha xaga ferahana wax sidaa ah lagama shegin oo dr muxuu laha waxa haysa nafaqo daro. ilaa hada wiilka  jirkiisa uu fican yhy wax cududr kale ma hayo feerahiisana wax qaloocan ma jiraan aan ahayn meshan kooska lagu arkayo

mahad sanidiin....
Title: Re: Su'aal: feeraha dhanka wadnaha oo soo kuusan?
Post by: Qays on November 29, 2012, 08:22:52 PM
asc wall wali waxaan sugayaa jawaabtii mahad sanidiin...
Title: Re: Su'aal: feeraha dhanka wadnaha oo soo kuusan?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 09:20:51 PM
Waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirto takhtar kale oo aqoon u leh xanuunka walaalkaa.