Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dawiil on December 28, 2016, 01:00:04 PM

Title: Su'aal: Dhegtayda waxaa ku jira wax aan dhukay ahayn?
Post by: Dawiil on December 28, 2016, 01:00:04 PM
Asc Dr  inmudda ah waxaan dhegteyda ka soo saaraayay wax dhukay aan aheen ee aad moodo xuub toxba toxbaa qaarna wali wey ku juraan ayagoo jiro gaadaal dheer wax xanuun ah ama cuncun ama qoyan ah malahan
Dhakhtar Cunaha ayaan u tegay waxow ii sheegay in dhegta xuubkeeda uu sii gurmaayo soona dhalnaayo
wuxuudhahay waxey qbtaa dhegta wax uu ku sheegay FUUNGE
marka waa maxaay cudurkaas sideesa loola tacaalaa ?

waxow ii soo qoray Goojo MYCOMED CLOTRIMAZOL ANTI FUNGAL
iyo kaniini 4 xabo ah oo 7 maalmood kadib mid la cunaayo  FLUCONAZOLE CAPSULE 150MG

Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Dhegtayda waxaa ku jira wax aan dhukay ahayn?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2017, 08:00:08 PM
Wax dhukay camal ah oo midabkoodu cad yahay, qolofta dhegta gudaheeda oo soo gurmayo iyo cuncun siyaado ah waxay astaan u tahay caabuq uu keeno jeermiska fungs-ka, waxaana loo qaataa daawooyinka laguu soo qoray.

Waxay badanaa arrintaan ku dhacdaa dadka dhagahooda ku qoryeeyo wax kasta oo ka agdhaw, khaasatan qoryaha iyo alwaaxyada maadaama jeermiska fangaska uu ku dul nool yahay.

Waa muhiim in aad dhakhtarka ku laabatid markay daawada kuu dhamaato sababtoo ah, cudurka wuu daba dheeraan karaa ama soo laalaaban doonaa.