Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salim Moha on December 22, 2022, 07:41:50 PM

Title: Kaar iyo dikaan jilibka ah
Post by: Salim Moha on December 22, 2022, 07:41:50 PM
Asc Ugu Horrayntii Waxaa Mahad leh Allah , Sidoo kale waxan Bogadinaya bahda somali  Doc.

Dr Maalin Ayaan Bajaaj ama dhug dhugley ku dhufsaday jilib kamd ah jilbahayga , Aniga  oo kadaganaya,  jilibku habenkas iyo malinteda unbu ixanunay,  kadib xanunki wuu daayay  wax dawa Uma qadan , waxaa Caadi ahaa muddy 20 Bari ah , dabaded malin aya jilibkayga midig oo laban fidiyay markasan kamaqlay sharqan (Pop/crack) (ma hubo inuu yahy kii jugta gaartay) , waxyar hadu labnado oon kalabxiyo wuu sharqamayay,  markale  Aya anoo  labadaba jilib isku kaysaranyihin  baa kii midig  kaar ka daremay,  inta waxii kadambeyay , jilibki Ayan kadaremay Kar yar oo imanaya dhawr jeer muddo dhawr sikin  ah oo tagaya kaas oo ah Dhinacyada jilibka   , kaarkaa imanaya ee tagay Ayan Malmo kadib ku arkay jilibka bidix , dhakhtar ba u tagay , waxa uu iiqoray Vitamin D star iyo  Diclocine 7 Bari ah , Dabbaded wa kulabtay , waxa uu iiqoray Dicloneuron 10 Bari,   Hada , waxan Kadaremaya Labada jilb ba in wax Dhag kadhahyan marka jaranjarta isticmalayo , ama kaabadaha,  Ciladas way wadagan waxayna kubadantahay midigta , Malin dhawed waxa Midigta ku arkay In Knee capku uu Meel kudhagayo marka lugta fidiyo kadib uu ka kacayo , knee cap wuu toosanyahy oo Gees Uma baxayo , lkn waxba qabanaya kadibna sidaynaya ,  waqti xaadirkan Midigtu wayka liidata bidixda , Lawga bidix hada ayaa uu soo bilabaya Crack sound lkn ma badna .

minka xoogaa socod ah hada sameyo way I xanuunayan  , sidoo kale jaranjarada xanuun Ayan ku darema  , haday cabaar  laabnaadaan sidoo kale .

Maxaa talaa  Dr iyo bahda Somali doc , Da'daydu waa 23 Sano , madhelo banooni iwm ,  waxaa intanan jilibuhu I xanunin  horay u isticmalay 2 asbuuc  oo Nexium 40 mg ah iyo 4  asbuuc oo penteprazole 20 mg ah .



Waxan rajaynaya in deg deg iigu soo jawaavtaan Waa mahadsantihin .
Title: Re: Kaar iyo dikaan jilibka ah
Post by: Milica_soomali on March 29, 2023, 09:08:49 PM
(http://s01.flagcounter.com/mini/ezoj/bg_FFFFFF/txt_dddddd/border_ffffff/flags_1.jfif)