Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 24, 2017, 03:14:26 PM

Title: Xalawada Iyo Ku Daaweynta Hergabka.!
Post by: SomaliDoc on May 24, 2017, 03:14:26 PM
(http://somalidoc.com/Topics/xalwo.png)

Bismillah,

Xalwadu waa macmacaan laga isticmaalo meelo badan oo dunida ka mid ah khaassatan dalkeena, xalwada waxaa laga sameeyaa saliid, sokor, warango (cornstarch) iyo waxyaabo lagu carfiyo sida subag, qorfe, xawaash iyo laws.

Dad badan ayaa xalwada u aaminsan inay daawo u tahay cudurrada qaar sida hergabka, jugta / urugta, cunno xumida iyo nafaqo darrada ama si kale haddii loo dhigo inay difaaca jirka u roon tahay, lagua cayiliyo dadka caatada ah.

Cilmi ahaan markii loo fiiriyo, taasi waxba kama jiraan, xalawadu waxa ugu badan oo laga sameeyo maadaama saliid iyo sokor ay tahay, waa sax in qofka gaajaysan uu tamar ka helayo, laakiin isbadal caafimaad jirka kuma soo kordhinayso.

Marka su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay: maxay dadka uga fiicnaadaan hergabka markay xalwo kulul isticmaalaan?

Sida aan wada ognahay, hergabku waa cudur uu keeno fayras, kaasoo ka faa'idaysto difaac yarida jirka, qofka wuxuu dareemaa, qufac, hindhiso, dhuun-qallayl, san-durdur, cuna-xanuun iyo tabar-darri.

Markii xalwada daawo ahaan loo adeegsanayo, badanaa waxaa lagu daraa caano, dadka qaarne filfil ayay ku karkariyaan.
Taasi ayaa keenayso in qofka uu isbadal dareemo maadaama caanaha ay borotiin leeyihiin, kuleelka xalwadane wuxuu milaa xabka dhuunta ku xiran, filfishane waxay sare u qaadaa difaaca jirka. marka sababtu maahan xalwadee waa kuleelkeeda iyo subagga oo dhuunta subkinayo iyo caanihii iyo filfishii lagu daray oo labaduba hergabka inay u roon yihiin la xaqiijiyay.

Waxyaabaha dabiiciga ah oo cilmi ahaan loo hubiyay, waxaan hadda ka hor kaga hadalnay qoraal aan ugu magac darnay "iska daawee hergabka dhakhtar la'aan", fadlan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0)

Xalwadu waxay ku fiican tahay in la cuno munaasabaatka iyo ciidaha, laakiin in cunno ama daawo ahaan loo joogteeyo caafimaadka uma roona, macaanka xalawada uma roona ilkaha, sokorta iyo saliiddane xanuuno badan ayaa lala xiriiriyaa.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan, haddii aad doonaysid in aad la sheekaysatid dhakhtarka, ku soo biir barnaamijka cusub ee "dhakhtarka la tasho" oo halkaan aad ka heli kartid: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)