Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Geedi711 on August 08, 2015, 07:50:40 PM

Title: Su'aal: Markii aan isku JUNUUBAYO shawada gadaal ayeey u noqotaa?
Post by: Geedi711 on August 08, 2015, 07:50:40 PM
Asc dhamaan Hadii aan soo gudbiyo Suasheeda maxaa keena qofka markii uu  isku JUNUUBAYO in shahwada  gadaal u noqoto  ama dib ugu noqoto   afka timaado.
 wanxaan idin kaga mahadcalinayaa caawinta umada  u heesaan. asc
Title: Re: Markii aan isku junuubayo shawada gadaal ayeey u noqotaa
Post by: drhassani on August 08, 2015, 08:43:16 PM
waxa yara wanagsan wlo in aad bal marka hore aad isku cadayso dadka , lab mise dhadig kaad tahay waa muhiim inaad xusto . yara fahfaahina ka bixiso dhibta ku haysata
Title: Re: Su'aal: Markii aan isku JUNUUBAYO shawada gadaal ayeey u noqotaa?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2015, 11:19:57 PM
Biyaha oo gadaal u laabto waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Retrograde Ejaculation" oo waxaa laga wadaa markuu qofka biyo-baxo biyaha meeshii horay u soo bixi lahaayeen gadaal ayay ugu laabtaan kaadi-heysta.

Dadka way ku kala duwan yihin, qaar biyaha oo idil ayaa laabto oo wax biyo ah kama imaadaan, qaarna wax yar ayaa ka yimaado.

Inkastoo dhib aysan qofka u keenayn, laakiin madhalaysnimo ayay ragga u keentaa, ahmiyaadda daaweyntuna waa in awoodda uureynta qofka ragga u soo noqoto.

In biyaha kaadiheysta ku laabatay waxaa lagu fahmaa markuu qofka kaadiyo galmada ka dib wuxuu arkayaa kaadi calow ama boorboor leh ama caano la barxay u eg.

Cillada waxay tahay in muruqa kaadiheysta afkiisa ku yaallo oo la rabay inuu kaadiheysta giijiyo si ay u xeranto oo biyaha in ay gadaal u soo laabtaan ka hortagi lahaa ayaa dabacsan, sidaa darteed cadaadiska awgiis gadaal ayaa u sahlan inay u laabtaan.

Waxyaabaha keeni karo in cillad muruqaan ay gaarto waxaa ka mid ah dhowr shay oo kala ah:
1- Haddii hadda ka hor qalliin kaadi heysta lagaaga sameeyay ama qanjirka ragga lagaa qalay.
2- Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato, waxaa jiro daawooyinka qaar in ay saameeyaan muruqa kaadiheysta.
3- Haddii dhaawac kaa gaaray neerfaha kontoroola muruqa kaadiheysta ama xanuun neerfaha saameeyo aad qabtid sida sonkorowga oo kale.
4- Haddii dhabarka ma xangullaha jug kaa gaartay.

Fadlan la xiriir takhtar ku taqasusay qalliimada kaadi mareenka ee loo yaqaanno "Urologist" wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno lagu ogaanayo xanuunkaan heerka uu gaarsiisan yahay, haddii aad u baahan tahay daawooyin ama qalliin aan laga maarmaynin.

Ogow, haddii ay jirto awood wax uureyn, biyaha oo gadaal u laabto dhib weyn ma lahan, waana la iska daayaa, lama qalo.
Caafimaad aan kuu rajaynayaa.

Haddii aad su'aashaada wax kale kala jeeddo, soo faahfaahi fadlan...
Title: Re: Su'aal: Markii aan isku JUNUUBAYO shawada gadaal ayeey u noqotaa?
Post by: Gaashaan_2 on March 10, 2016, 06:07:47 AM
Asc dr mahadsanid waxaan su,aasha kawadaaa marka biyihii oo diyaar ah oo waliba afka xubinta taranka usoo dhow aan isku celiyo isla markaana aan is qabto xubinta taran si,aan biyuhu iiga gaarin dharka ama mararka qaar qofka aan la kulmayo dharkiisa iyo kaygaba ama dharka sariirta biyahaas igu noqonaya dhibaato intee le,eg ayey iigaysan karaaan mahadsanid DR.

Waxaan ahy qof lab ama nin
Title: Re: Su'aal: Markii aan isku JUNUUBAYO shawada gadaal ayeey u noqotaa?
Post by: SomaliDoc on March 22, 2016, 03:36:04 PM
Biyaha oo la isku celiyo ma fiicno, maxaayeelay waxay dabciyaan haniyaha u dhaxeeyo kaadiheesta iyo ibta, haddii arrintaasi ay joogto noqoto, waxay keentaa in kaadida ay ka fakato qofka markii ay qabato.