Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gaadhhaye on May 29, 2010, 01:46:25 PM

Title: Su'aal: marka aan saxaroodo ayaa waxaa iga yimaada biyo yar oo cad?
Post by: Gaadhhaye on May 29, 2010, 01:46:25 PM
[Dhakhaatiirta arintan isu xil qaantay waxaan alle uga baryayaa inuu ajar ka siiyo,suaashaydu waxay tahay
marka aan saxaroodo ayaa waxaa iga yimaada biyo yar oo cad oo aan kaadi ahayn oo ah biyhan raga ka yimaada kuwaasoo aan markaan xaajadayda dhamaysto ila mudo iga socda waana nijaas oo dee mudaan sugaa inatay iga go'ayaan taasoo aan XATAA SALAADA UG HABSAAMO MAXAA WALAAL LAGU DAWEYN KARAA

Title: Re: Su'aal: marka aan saxaroodo ayaa waxaa iga yimaada biyo yar oo cad?
Post by: SomaliDoc on May 30, 2010, 09:37:35 PM
(http://somalidoc.com/Topics/saxaroshahwo.png)

Biyo cad oo shahwada u eg oo yimaada markii la saxaroonaya sida caadiga ah waxay timaadaa markii jiirashada saxarada ay daliigto ama riixdo qanjirka prostate-ka kadibne uu soo daayo biyahaas.

Biyahaas cad waxay isugu jiraan shahwo iyo dheecaan qanjirka borostaatada uu soo daayo (Prostatic fluid + Semen).

Waxay arrintaan ku badan tahay dadka caabuq ka qabo qanjirka borostaatada waxaana loo yaqaanaa xaaladdaas "Prostatitis".

Waxay kaloo calaamad u noqon kartaa kansarka ku dhaco qanjirkaas khaasatan markuu qofka da' wayn yahay, waxaana habboon in aad dhakhtar la xiriirtid si lagaaga fiiriyo qanjirka borostaatada, lagaana qaado dhiig lagu ogaado kansarka borostaatada oo loo soo gaabiyo "PSA"

Haddii aadan wax dhibaato ah oo caafimaad aadan qabin, oo aad isku aragtay arrintaan hal mar, saxaradaaduna ay adkayd, wax dhib ah oo laga welwelo ma jiraan, laakiin haddii aad dhowr jeer isku aragtay ama xanuuno kale ay jiraan sida in kaadida ay kugu istaagayso, ama ku xanuunjinayso ama tiiradeedu ay gaaban tahay waa in aad dhakhtar guud ama "urlogist" aad la xiriirtaa si baaritaan laguugu sameeyo.

Haddii da'daadu ay ka wayn tahay 45 sano, aad ayay muhiim kuugu tahay baaritaanadaas.

Qoraallo xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)