Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirahman-Samatar on July 27, 2018, 12:45:56 AM

Title: Su'aal: Dumarka gudniinka fircooniga ah?
Post by: Abdirahman-Samatar on July 27, 2018, 12:45:56 AM
Asalaamu calaykum dhamaantiin bahda boggan caafimaadka ee SomaliDoc, ilaahay waxaan idiinka baryayaa in uu jannatul Fardawza idinku arsaaqo, shaqada wacan eed dadka u haysaan.

Waxaan idinka codsan lahaa inaa si naxariis leh iiga jaahil saartaan arrinkan isoo food saaray.

Magacaygu waa Sharmaarke, waxaan  guursaday 5 bilood ka hor. Waxay gabadhaydu ahayd dumarkan tolan ee loo yaqaano Dumarka Fircooniga ah. Gabadhayda waa lasoo furay oo opperation ayaa lagu sameeyay, irbadii dhabarkana waa lagu muday. 2 usbuuc sug ayuu yidhi kadib waanu sugnay, markii aanu is nidhi isku galmooda ayaa waxa soo baxday inuu gali waayay xubintii tarankaygu oo wax yaroo kuusan ayaa isoo celinaya mar kasta. Marbaan ku fikiray inuu yahay Vaginusmus hadana waxaan isku qanci waa yay in aanuu ahayn.

hadaba waxaan idinka codsanayaa inaa arrinkaa ilaahay dartii ii iftiimisaan hadaa cilmi u leedihiin.

Mahadi dhamaadteed korkiina ilaahay ha yeelo.
Title: Re: Su'aal: Dumarka gudniinka fircooniga ah?
Post by: SomaliDoc on January 13, 2019, 10:21:39 AM
Walaal waxaa habboon in aad dhakhtarad haween u gaysid si loo wiisiteeyo, waxaa dhici karo gudniinka laftirkiisa inay keentay sababtoo ah isagaa heerar kala duwan leh, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0)

Waxaa kaloo dhici kara cillad abuuris inay jirto oo u baahan in la xaqiijiyo, sidoo kale cilladd aad sheegtay ee Veginismus waa suuragal maadaama ay xanuun dareemayso markaad isku daydaan galmada taasoo keeni karta in murqaheedu geejismaan.