Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdalah03 on July 21, 2015, 05:50:58 PM

Title: Su'aal: Waxaan qabaa fibromyalgia maxaa talo ah?
Post by: Cabdalah03 on July 21, 2015, 05:50:58 PM
asc dre aniga waxan qaba Fibromyalgia oo astamahas dhan wn isku arkay ano yar oo 4 jir eh ayaa luguha I xanuni jiren murqaha iyo lafaha dhaqtar walba wn tagay mrkan 13 so garay kadida I xanunjinjirtay o wey I gubesay infection ma ahen lugihina inti wey ka darnayen kadida wn ka ronaday lkn hada on 17 jiro cudurki wa darsaday oo kur ayu uso baxay hada dhabarka iyo qoortii iyo madaxi an tacban ka noqday daal iyo tabar darina wey ihesaa mrka hada wn darsaday wagan 4sano jiray ila hada dhaqtar wn ka dalay mrka cudrkan maxan ku sameya
Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa fibromyalgia maxaa talo ah?
Post by: SomaliDoc on July 22, 2015, 04:36:25 PM
Sida aan horay uga hadalnayba xanuunkaan oo aad halkaan ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0)
Waa xanuun wax badan aan laga ogayn, mana jiro baaritaanno lagu hubiyo in aad xanuunka qabtid, laakiin waxaa jiro waxyaabo lagu ogaado in uu qofka xanuunkaan hayo.
Haddii aan u imaado dhinaca daawaynta, takhaatiirtu way ku kala duwan yihiin, qaar xanuun baa'iyeyaal ayay siiyaan qofka xanuunsan, qaar waxay siiyaan daawooyin murqaha iyo seedaha dabciyo, qaar waxay siiyaan daawo dajisa qofka oo stresska ka yarayso, qaar waxay siiyaan daawo hurdo iyo mid diiqada.
Waxa kaloo la yaabka leh waa in dadka ay ku kala duwan yihiin sida ay wax iskaga dareemaan daawooyinkaas, waxaa laga yaabaa qof inuu wax iskaga garto murqo dabciyayaasha, qof kalane daawada niyadda dajiso.
Ma ahan xanuun qofka uu ka raysan karo oo ka wada tagi karo inta laga ogyahay alle wuu awoodaa inuu kaa qaado.
Waan dareemi karaa in aad dhowr dhakhtar la xiriirtay oo aad ku wareertay maxaayeelay takhaatiirta laftirkooda ayaa ku wareersan daaweynta xanuunkaan, aad ayayna u yaryihiin takhaatiirta ku taqasustay xanuunkaan ama aad u xiiseeya.
Qofka ugu habboon ee kaa caawin kara xanuunkaan maadaama aad isku ogtahay muddane aad la soo xanuusanayd waa takhtarka wata takhasuska "rheumatologist" in aad raadsatid, haddii aad waysid in aad la xiriirtid takhtar ku taqasusay cudurrada guud "Internal Medicine".