Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hanna Hassan on May 24, 2019, 06:00:25 AM

Title: Su'aal: Anoo umul ah in dhinac dareenku iga tago?
Post by: Hanna Hassan on May 24, 2019, 06:00:25 AM
Asc dhakhtar waxan doonayay inan ku waydiiyo waxa igu dhacaday anoo umul ah in dhinac dareenku iga tago oo afku maroorsamo ishiina aan control kari waayay kadib is dawayn ilahay wuu iga kaxeeyay oo wan ka bogsaday imika ayan dareemaya in dhinicii isoo xanuunayo oo kabiibyo marmar yeelanayo waxana imika laga jooga 7 bilood marka suaashaydu waxay tahay ma soo noqdaa xanuunkaasi mana ka hor tagi karaa iyo mxa iga caawinaya in anuu igu soo noqon. Mahadsanid.