Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sadik Adan on January 06, 2019, 03:55:02 PM

Title: Su'aal: Waxaan wada joognaa xaaskayga 1 sano?
Post by: Sadik Adan on January 06, 2019, 03:55:02 PM
Asc aad ban u salaamaya doctor ada iyo dhamaan inta ka howl Gasha webkan
Salan kadib waad ku mahadsantihiin cilmigaad noo faideysaan iyo talooyinka aad nasiisan .
Hadaan gudo galo si,asheyda waxaan wada joogna xaaskeyga sanad iyo bilooyin waxaa in mudo ah gabdha wareer ku haya caadada oo mudo 4 ilaa 5 bilood maqnaata amaba kabadan sedax jeer ban computer saaray waxay u qoreen dupheston kaniinka la dhaho markay dhameysato sedax bilood ayuu toos u imaanaya kadib sidii hore buu ku noqonayaa,  hadii lasiiyo kaniiniga wuu imaan bilooyin kadib way lumaysa caadadi
Uurna weli mey qaadin doctor,  wax xanuun ahna ma sheegato
Waxayna I war gelisay markii ugu horeysay ee ay caado ku dhacday ayay biloowday markay sedax bilood toos u heshay sanado ayay ka maqneed
Maxaa nala gudboon oo aan sameynaa doctor
Mahadsanid taladaada waa inoo muhiim
Title: Re: Su'aal: Waxaan wada joognaa xaaskayga 1 sano?
Post by: SomaliDoc on June 09, 2019, 12:41:49 PM
Walaal caado wareerka waxyaabo badan ayaa keena, computer qofka la saaro laguma ogaan karo cilladaha keeno, waxa ugu badan ee in la baaro ah waa heerarka hormones-ka, marak la xiriir dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka si looga baaro waxyaabaha la is dhihi karo inay sabab u tahay caado wareerka xaaskaaga. akhriso qoraal ku saabsan waxyaabaha ugu badan ee keeno caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8424.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8424.0)