Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on October 20, 2017, 09:17:15 AM

Title: Su'aal: Waa maxay Hemophillia?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on October 20, 2017, 09:17:15 AM
Asc...
Doc, waxan Rabaa in aan wax ka ogaado cudurka layiraahdo Hemophillia.(Royal Disease)
muxu yahay ?
yaase ku dhacaa?
sidee looga hortagaya?
calaamadihisu maxa lamid ah?
makal baxa cudurkaanni mise waa mid keliya ah intaas dhan Doc adiga kaa sugaynaa jawaabahood hadday rabto hasoo daahdo balse wax walba inla ogaado fiican
Adna ilaah hakaa abaalmariyo.
mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Hemophillia?
Post by: SomaliDoc on November 19, 2018, 08:25:30 PM
Hemophilia waa cudur la xiriira cilladda xinjiroobis la'aanta, kaasoo ka dhasha maqnaanshaha mida ka mid ah walxaha xinjiroobista ka qeyb qaato, waa xanuun dhaxal ah oo lagu dhasho, waxaa loo kala qeybiyaa "Hemophilia A" oo jirku ka maqan yahay xinjireeyaha Factor 8, iyo "Hemophilia B" oo jirku ka maqan yahay xinjireeyay Factor 9.

Ma ahan cudur laga hortagi karo, waana lagu dhashaa wiilasha ayuu u badan yahay, waxaana la ogaadaa markay yaryihiin khaasatan xilliga gudniinka iyo markay jug gaarto maadaama dhiigga uusan xinjiroobaynin ama istaagaynin, xalkiisu waa in qofka la siiyaa maadada ka maqan dhiigiisa oo xinjiroobista muhiim u ah.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Hemophillia?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on November 29, 2018, 03:03:46 PM
Aad baan kaaga mahad naqayaa dhammaan jawaabahaaga. waan heley.