Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 03, 2012, 09:50:40 PM

Title: Midhaha Muuska, ma lagu daaweyn karaa Cuddurrada Maqaarka?
Post by: CilmiSabca on November 03, 2012, 09:50:40 PM
Asc wrt wbt. Salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aan wax badan ka ogaado Miraha Muuska (Mooska = Banana) in lagu daaweyn karo cudurrada Maqaarka dil-dilaaciya, gaar ahaan Cagaha, cirbaha, calaacalaha iyo daamanka.
Su'aashan waxaa igu dhaliyey ka dib markii aan arkay Nin, qof kale (oo ay caguhu dil dilaacsan yihiin) kula talinayey in uu maalin kasta hal xabo oo muus bisil ah, inta uu burburiyo asagoo aan waxna ku darin in uu cagaha mar marsado oo uu sugo ilaa inta ay ku qalaleyso jirka (ugu yaraan saacad) ka dibna uu iska dhaqo isla markaana uu sidaas u wado muddo todobaad ah.
Maalmo ka dib, waxaan arkay qofkii lala taliyey oo sheegaya in uu muusku yahay daawo jireed wax tar leh. Cagihiisa haddii la eegana, waxay u muuqdaan kuwo daawoobay, balse waxaan garan waayey in ay dil dilaacyadu soo noqon doonaan iyo in kale.
Waxaa kale oo la lee yahay Khal Tufaax iyo Muus ayaa lagu daaweeyaa qaar ka mid ah cudurrada Maqaarka.
Haddaba, Dhakhtar, maxaa ka jira in uu Muusku daawo u yahay Cudurrada Maqaarka?.
Wabilaahi Towfiiq wsc.  
Title: Re: Midhaha Muuska, ma lagu daaweyn karaa Cuddurrada Maqaarka?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 02:35:51 PM
Way jirtaa in muuska ugu horreeyo fruutiska loo adeegsado daryeelka maqaarka, waxtarkiisane aad ayay uga hadlaan dadka ka hadlo daryeelka oogada, haweenkane way isticmaalaan.

Weliba siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa, marmarka qaar waxaa lagu daraa liinbalbeelmada, marna malab, wuxuu baab'iyaa dildillaca jirka, findoobka iyo haararka madow ee korka ku samayso, jirkane wuxuu siiyaa iftiin oo saliid ayuu ku reebaa.
Title: Re: Midhaha Muuska, ma lagu daaweyn karaa Cuddurrada Maqaarka?
Post by: CilmiSabca on November 10, 2012, 10:44:34 PM
Aad ayaad u mahad san tahay Somalidoc.