Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Dr.Sharbele on April 17, 2009, 03:51:49 PM

Title: CAAFIMAADKA KHAASKA AH (PERSONAL HEALTH)
Post by: Dr.Sharbele on April 17, 2009, 03:51:49 PM
CAAFIMAADKA KHAASKA AH (PERSONAL  HEALTH)

Sida aynu wada ognahay bay'ada aynu ku noolahay  waxa ku wareegsan dullin ili-maqabati ah(jeermis) kaasoo wax u dhimi kara caafimaadka bini-aadamka, waxa uu ku haleeli karaa dullinkaasi waqtikasta iyo meelkasta, sida keliya oo laysiga ilaalin karo waxay tahay nadaafad joogto ah, hadaba nadaafadda ugu horeysa una muhiimsan waxay tahay :-
-Gacmaha oo la mayro xilliga cuntada ka hor iyo ka dib labadaba, iyadoo la isticmaalayo saabuun iwm, waqtiguna uusan ka yaraan dhowr daqiiqo,ciddiyaha iyo fara dhexdooda  waxay u baahan yihiin fiiro gaar ah waqtiga fara-mareydhka.
-Nadiifinta jirka oo dhan: Nadaafad la'aanta jirka waxa ka dhalan kara cuduro iyo inuu ku abuurmo cayayaan sida injir(Lice) oo gasha timaha madaxa iyo nooc kale oo loo yaqaan (Pubic Lice).
-Nadaafadda ilkaha: afka waxuu ubaahan yahay nadiifin joogto ah, cuntada aynu cunno ka dib hadan si dhakhso ah looga nadiifin waxa ka dhalan karta bacteeriyo waxyeelo u geysan karta cirridka iyo ilkahaba (Dental caries) sida ugu habboon ee looga hortegi karo waa cadeyga ugu yaraan maalinkii 3 mar.
CAAFIMAAKA KHAASKA AH IYO DUMARKA
Haweenka waxa uu aad u kordhayaa  khatartooda caafimaad waqtiyada caadada (Menstrual period ) , cilmi-baaris la sameeyay ayaa waxa lagu ogaadey iney waqtiga caadada hadaan laga feejignaan ay helis u tahay inuu dhaco (Bacterial blood poisoning) sidaa darteed ay waajib tahay in labedelo cudbiga loo isticmaalo 6-dii saac mar, waayo haddii ay  8 saacadood gaarto waxa abuurmaya becteeriya, ka dibna waxa helis ah inay u gudubto wareega dhiigga oo idil, waxayna sababi kartaa dhimasho.