Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hibaq11 on November 20, 2019, 11:07:57 PM

Title: Su'aal: Tonsillitis surgery ?
Post by: Hibaq11 on November 20, 2019, 11:07:57 PM
Asc doctor waxan galay qaliinka quumanka tonsils surgery bil iyo 13 malmoodana kaso wareegtay xanuun hal dhinac dhunta ah ayan isku arkay dhadhankiina wali ima soo noqon dhaqtarkii ayan ku laabtay waxana u sheegay sida la ii hayo waxuna iso qoray amitriptyline  kaniinkan aqoon uma laheyn waligey ma qaadan habenkii 1xabo qado ayu igu yiri dhadhankana wukuso celina xanunkana wadka bogsaneysa labo haben markan qatay waxan isku arkay hurdo said ah iyo caajis xanuunkiina wali wax isbadal ah ma jiro dhadhana haba sheegin wanka shakiyey kaniinkii Google ayan weydiiye waxa iso baxday kaniinka in logu tala galay dadka mental illness qaba iyo major depressive disorder iyo xanuno badan oo maskaxda la xariir ma fahmin sababta uu dhaqtarka igu soo qoray amitriptyline oo ah kaniin mental illness loo qato dhadhan maso celiya waxan rajeynaya sii degdeg ah inad igu soo jawaabto doctor mahadsanid